Maxay Somaliland Dib-ugula Soo Noqotay Xornimadeeda ?

0

Berberanews-Waxaan jeclaystay inaan ka hadlo maanta .Haseyeeshee, waxaan marka hore Hambalyo iyo Bogaadin  u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),  Fariintii qiimaha lahayd ee uu ka jeediyey Shirkii 23 bishan  ku qabsoomay London, taas oo ka turjumaysay Rabitaanka Shacabka Somaliland .   Waxaan mar labaad ku hambalyeynayaa , Madaxweynaha; Go’aan-qaadashada geesinimadda leh iyo waliba  taladda uu dhexdhigay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Goloyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo iyo Bulshada inteeda kaleba. Waana guul usoo hoyatay Qaranimada oo ina gaadhsiin karta yoolka aynu hiigsanayno.Waxaa kale oo aan Hambalyeynayaa Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dalka Britain iyo Wadamada kala ee Europe  ee dareenkooda Wadaninimo u muujiyey Busho-weynta Caalamka , una dhabar-adaygay dhibaataddi Dhaxanta iyo Roobka mudadii ay ku gudda jireen iskusoobaxyada balaadhan.

Haddii aan usoo gudo –noqdo Nuxurka Maqaalkaygan, waxaan leeyahay Hogaamiyaasha Dalka Somaliya ee uu hormoodka ka yahay Sh Sharif,  waxaad ogtihiin oo ay Bulshada Caalamkuna ka warqabtaa inay Somaliland ahayd Qaran Madaxbanaan oo Xornimadeeda ka qaadatay Dalka Britain 26 June 1960. Haseyeeshee, Jibo Somali-jacayl awgeed ay Qaranimadii Somaliland ee wakhtigaa ay sababtay in aanu gayno  Muqdisho. Waxaana hadiyadaasi ay  dhashay Xasuuq iyo Tacadi lagula kacay Shacabka Somaliland, sida ku cad Sawarida Qoraalkan ku lifaaqan oo aan ugu talagalay “sample” ahaan  boqolaalkii kun ee xasuuqa loo gaystay.    waxaa lagalay  Halgan Naf-hurid ah oo dheer oo  Muddo  socday oo Kumanaan ku shahiideen.   kadib , waxaa  sanadkii 1991 marlabaad Umadda Somaliland u soo gacan gashay Xoriyaddii luntay lixdankii . Odhaah ayaa tidhaa;  “Mar idage Alla Ha Dago, Marlabaad I dagana Anaa isdagay”  waxaan leeyahay  Sh shariif  , dib ulasoo noqoshada Xoriyadda Qaranimadda Somaliland waa go’aan shacab, sidaa awgeed waxaa tallo naga ah inaad tixgaliso, oo aad illawdo  haddalada aad marwalba  ku tiraabto,inta ka hadhay mudada  aad xilka hayso , adiga oo og inay SOMALILAND hoy u tahay kumanaan Qaxooti  kasoo firxaday dalkiina Somaliya  , oo aanu siinay Magan-galyo. kuwa kaa dhaxli doona Kursiga aad ku fadhidana  waxa iga tallo ah inay qaataan fariintan. Waxaa kale oo aan intaa  raacinayaa , iyadda oo dib ulasoo  noqoshada Qaranimadda Somaliland ay ka timid tacadiyadda sare ku xusan, haddana waxaanu diyaar u nahay inaynu noqono Laba Dal oo Daris ah , wallaalo ah , oo iskaashadda. Haddii aad  ogolaatiin  talaabadan , waxaanu illaawi doonaa wixii hore noosoo maray.

 

Fariinta Labaad ee aan halkan ka gudbinayaa waxa weeye  Idaacadda layidhaa “ BANADIR  BROADCAST CORPORATION” ee loo soo gaabiyo “BBC”   oo aanu hore ugu haysanay “BRITISH BROADCAST”  , iyo  Warbaahin Dhexdhexaad ah,  haseyeeshee ma ay noqon.  waxaana mudooyinkan dambe la dareemayey inay tahay IDAACAD ku haddasha afka GOBOL kamid ah Dalka Somaliya. Islamarkaana dagaal culus kula jirta Qarinmadda Somaliland , dhacdadii ugu dambaysayna waxay ahayd ; tii ay daaha saartay KHUDBADII MADAXWEYNAHA SOMALILAND ka jeediyey  shirkii London ee 23 Feb 2012. Sidaa awgeed waxan usoo jeedinayaa Hay’addaha Xukuumada Somaliland ee ay khusayso sharciyadda ay Somaliland kaga hawl-gasho BBC du in dib loo eego.

Gabagabadii;  Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin xaqdhawrida dariswanaaga ,  waxaana aanu dulqaad u leenahay hadal walba oo qalooca oo nagaga yimaad Madaxda wadamada daris ah.  waxaana inoo balan ah Xukuumad iyo Shacaba isku duubni iyo inaynu u middawno ka bixida Dalcada u dambaysa ee inooga hadhay ka midho dhalinta iyo inaynu hantino ka mid noqoshadda bulshadda Caalamka.

Wabillahi tawfiq

C/rasaaq Sh Cali Askar

Hargeysa,Somaliland

Xasuuqii MALKA-DURDURO ee Shacbka Sland

Xasuuqii MALKA-DURDURO ee Shacbka Sland