Maxkamadda Dembiyada dagaalka oo la filayo inay faraha kala baxdo Saif Al Islam Gaddafi

0

Hague-(Berberanews)- Xogo la helay ayaa tibaaxaya in Maxkamadda caalamiga ee dembiyada iska dhaafi doonto dalbasho hore uga soo yeedhay oo ay ku doonaysay in lagu soo wareejiyo Saif Al-Islam Gaddafi oo ka mid ah Carruurta uu dhalay hoggaamiyihii la dilay ee waddanka Liibiya Cor. Mucammar-al Gaddafi oo bishii November 2011 gacanta lagu dhigay.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ku dhaw arrintaas oo ay soo Xigatay BBC oo warkan baahisay, ayaa sheegay in laga gaadhayo heshiis ah in la xidho dacwaddaasi oo Mr Saif Gaddafi Maxakamad lagu saaro Libya gudaheeda, iyada oo Maxkamadda Hague ay kor kala socon doonto qaabka kiiskaa loo dhammeeyo.

Dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Libya ayaa diidday inay ku wareejiso Mr Gaddafi Maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamiga ee Hague, Saif oo loo heysto dacwado la xidhiidha dembiyo ka dhan ah Xuquuqda Bini’aadannimada.

Muammar Gadafi Wiilkiisa weyn ayaa la xidhay Bishii November 2011, waxaana hadda haya Maliishiyo ka soo jeedda gobolka Zintan ee dalka Libya. Dacwad oogaha Maxakmada Hague, Luis Moreno Ocampo ayaa toddobaadkan laga filayaa inuu tago Libya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.