Maxkamadda Hargeysa oo ammaankeeda aad loo adkeeyey dhagaysatayna Dacwadda Eedaysanayaal Musuq u xidhan

0

Hargeysa-(Berberanews)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo ammaankeeda si weyn loo adkeeyey, isla markaana Ciidammo Boolis ah oo tiro badan la soo dhoobay nawaaxigeeda, ayaa bilawday maanta dhagaysiga dacwadda eedaymo musuqmaasuq oo loo haysto xubno Xukuumadda ka tirsanaan jiray, hase-aatee Madaxweynuhu xilka ka qaaday, ka dib markii lagu eedeeyey inay musuqeen raashin caawimo ah.

Xubnaha eedaysanayaasha ah ee Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) maanta dacwaddooda markii ugu horreyay dhagaysatay oo ka koobnaa shan xubnood, waxaanay kala ahaayeen; Guddoomiyihii gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamar-je), Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre, La-taliyihii Madaxweyne Ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac. Waxa kale oo Maxkamadda la horkeenay laba eedaysane oo mid ka midi ahaa Ganacsade, ka labaadna ka mid ahaa Mukhallasiinta Dekedda magaalada Berbera.

Saxaafadda ayaan loo oggolaan inay golaan Hoolka Maxkamadda gobolka ee Dacwadda eedaysanayaashan lagu dhagaysanayey, hase-ahaatee, siday goob-joogayaal gudaha hoolkaa ku jiray Berberanews u xaqiijiyeen, Xeer-ilaalinta ayaa keentay laba Markhaati oo eedaymaha loo haysto xubnahaas halkaas ka soo jeediyey.

Warku wuxu intaa ku daray in Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan fadhiga maxkamadda xidhay, ka dib markii uu dhagaystay Markhaatiyada Maragga ka ah eedaha Musuqmaasuq ee xubnahani muddada labada bilood ku dhaw ugu xidhan yihin Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa. Waxaanu Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay inay fadhiyada maalmaha soo socda Maxkamaddu sii wadi doonto dhagaysiga dhinacyada eedaha ku soo oogaya xubnahaas iyo kuwa u doodaya eedaysanayaasha, sidaana fadhigu ku xidhan yahay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.