Maxkamadda Hargeysa oo xukuntay 7 nin oo kufsi ku eedaysnaa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Hargeysa ayaa xukun ku riday todoba nin oo ku eedaysnaa  in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid ahayd caruurta xarunta agoomaha.

Waxay Maxkamadu 2 ka mid d ah 7 dii eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ah. Halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah.

Dhinaca kale Xafiiska Xeer Ilaalinta oo aan xukunkaa ku qancin waxa uu xukunkaa ka qaateen rafcaan.

Sidaas waxaa sheegay Garyaqaan Jamaal Mandeella.