Maydad la gubay oo laga helay xadka Mexico iyo Maraykanka

0

Mexico-(Berbera)-Maydadka la gubay oo gaaraya 19 qof ayaa laga helay meel ku dhow xadka Mexico iyo Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan gobolka Tamaulipas.

Booliisku waxay heleen laba gaadhi oo gubtay Sabtidii natiijooyinkii ugu horreeyayna waxay muujinayaan in dadka la toogtay ka dibna la dejiyay.

Kooxaha daroogada rabshadaha wata ayaa ka howlgala aagaas, halkaasoo muhaajiriinta ay sidoo kale isku dayaan inay ka gudbaan xadka Texas.

Sarkaal ayaa sheegay in dhibanayaashu ay noqon karaan muhaajiriin aan sharciyeysneyn, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Gobolka waqooyi-bari ee Tamaulipas wuxuu caan ku yahay dilalka rabshadaha iyo luminta dadka, oo badiyaa lala xidhiidhinayo kooxaha daroogada ka ganacsada.

Dowlada Mexico ayaa la dagaalameysa waxa ay ugu yeedhay dagaalka ka dhanka ah daroogada, waxaana ciidamadeeda amaanka horey loogu eedeeyay inay xidheen dada tuhunsanaa oo markii dambe lagu waayey.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa meydadka waxaa laga helay meel u dhow magaalada Camargo oo xad la leh gobolka Texas ee Mareykanka. Baadhitaanno ayaa socda, laakiin xafiiska dacwad oogaha gobolka Tamaulipas ayaa sheegay in xaaladda liidata ee hadhaaga ay sii murgineyso howlaha.

Baashitaan ayaa la bilaabay si loo ogaado in dadka la dilay ay ahaayeen muhaajiriin ka soo safray Guatemala si ay isugu dayaan inay u gaadhaan Mareykanka.