Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo-(Berberanews)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Tukiyey Jameecada Salaadda Jinaasada ku tukutay Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo Meydkiisa maanta lagu aasay Qubuuro ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu Marxuumku ku dhashay.

Madax fara badan ayaa ka qaybgalay Aaska Marxuum Cabdillaahi Yuusuf, kuwaasoo ka sokow Sheekh Shariif uu ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii ku-meel-gaadh ah ee ugu horreeyey Soomaaliya markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre 1990-kii.

Marxuumka ayaa wuxuu Jimcihii lasoo dhaafay ku dhintay magaalada Dubai ee dalka isu-tagga  Imaaraadka Carabta, isagoo 78-jir ah, waxaana xubnaha kale ee aaskiisa ka qaybgalay ka mid ahaa, mas’uuliyiinta Galmudug, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo xubno kale oo fara badan.

Sheekh Shariif oo ka hadlay munaasibadda Aaska ayaa sheegay in aaska Madaxweynihii hore uu yahay mid Qaran, wuxuuna xusay in dowladda KMG ah ay diyaar u tahay inay bixiso wixii deyn Qaran ah ee lagu lahaa marxuumka, sidoo kalena ay gacan ka geysan doonaan bixinta daymaha shaqsiga ah ee lagu leeyahay haddii looga maarmi waayo.

“Qof walba wuu dhimanayaa, waxaana maanta nala gudboon inaan walaalkeen iska cafinno.” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo sheegay in isaga iyo Madaxweynihii dhintay uu ka dhexeeyay xidhiidh wanaagsan, intii uu Cisbitaalka ku jirayna uu talleefoonka kula hadli jiray.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isaguna ka sheekeeyay Taariikhdii Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waanu sheegay inuu ahaa muwaaddan ku sifoobay waddani jacayl, una hura waqtigiisa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad waarta.

Mas’uuliyiinta kale ee ka qaybgalay aaska ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, waxaana xubnihii ka qaybgalay aaska ay dhammaantood u duceeyeen marxuumka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.