Mid ka mid ah Ururada Hadhay oo ku biiray Urur-siyaasadeedka WADANI

0

Hargeysa (Berberanews)-Urur-siyaasadeedka Badbaado oo ka mid ah ururada ku hadhay wareegga labaad ee tartanka ururada ka qaybgelo doona doorashooyinka deegaanka Somaliland, ayaa si buuxda ugu biiray Urur-siyaasadeedka WADANI.

Munaasibad loo sammeeyay mideynta labada urur oo lagu qabtay Hudheelka Ambasador ee caasimadda Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Hoggaanka labada Urur ee WADDANI iyo BAD-BAADO, Xildhibaanno Golaha Wakiillada Somaliland ka tirsan, Madax-dhaqmeed isugu jiray Salaaddiin iyo Cuqaal, Culimo-awdiin, Taageerayaasha labada Urur iyo Marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay midnimmada dhexmartay ururka Badbaado, una mahadcelinayo ciddii ka hawlgashay isu-soo-dhawaynta labada dhinac.

Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi, “Maanta laba urur ma kala nihin, maantaba Waddaniyiin  baan wada nahay , is doortay oo is ogogol , isku hadaf iyo ujeeddo ah, ujeedadaas oo ah in loo wada guntado sidii wadankeennuu heli  amni, una gaadhi lahaa horumar  siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed iyo cadaalad una heli lahaa aqoonsi caalami ah.”

Guddoomiye Cirro waxa uu xusay inay dalku marayo marxalado badan oo u baahan in meel looga soo wada jeesto, “Walaalayaal maanta waddankeennu wuxuu marayaa marxalado ay dhacayaan isbedelo iyo dhacdooyin  waaweyn oo inagu hareeraysan , taasina  waxay innagu waajibinaysaa in aad meel uga soo wada jeesano oo midayno fikirkeenna iyo dadaalkeenna. Tallaabadan aannu maanta qaadnayna waxay salka ku haysaa arrintaas.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Badbaado Sh. Maxamed Cali Geedi waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay la midoobaan ururka WADANI waxaanu tilmaamay inuu rajaynayo inay wada jir ku gaadhaan himilooyinkoodda.

 

Madasha loo sammeeyay mideynta labada urur waxa laga akhriyey heshiis dhexmaray labada dhina oo ka kooban dhawr qodob iyo baaq, kaasoo u dhignaa sidan;

  • Markay eegeen : Danta guud ee dalka iyo dadka

  • Markay darseen : Duruufaha ku xeeran Jamhuuriyada Somalilan

  • Markay galeen : Wada-hadallo qoto dheer oo muddo badan qaatey

  • Markay ka baaraan dageen : Nuxurkii wadahadalladii dhex marey

  • Markay ku qanceen : in ay labadooda urur yihiin kuwo isla jaanqaadi kara

  • Marka ay ogaadeen : In ay lagama maarmaan tahay in ay awooddooda Siyaasadeed mideeyaan danta dalkoodana meel uga soo wada jeestaan

    Waxay labada Urur ee WADDANI iyo BAD-BAADO Ku heshiiyeen Qodobada hoos ku qoran:

    1. In lagu midoobo, magaca, calanka, xeerka iyo barnaamijka iyo Astaanta Urur-Siyaasadeedka WADDANI

    2. In labadda Urur si midaysan uga qeybqaataan adkeynta nabadgelyada iyo horumarinta qaranimada JSL.

    3. In ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo wax-u-dhimaya jiritaanka qaranimada Somaliland

    4. . In ay mideeyaan awoodooda siyaasadeed iyo dedaalkooda ay ugu jiraan sidii dalkani u noqon lahaa mid ka horumarsan dhinac walba.

5. In la ilaaliyo lana fuliyo dhamaan mabaadii ada guud ee ku xusan Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Baaq:-
Waxa labada Urur dhammaan taageerayaashooda meelkasta oo ay joogaan ugu baaqayaan in ay halkooda ku midoobaan oo mideeyaan cududooda siyaasadeed, dhaqaale iyo xafiisyadooda isla markaana ku marti qaaday ururada kale iyo siyaasiyiinta madax-bannaan ee danaynaya dalkooda iyo diintooda iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland in ay ka soo qeybqaataan midowga labada Urur.
Waxa kale oo labada urur ugu baaqayeen dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan in ay kala qeybqaataan rumaynta himilooyinka qarankani ku horumarayo kuna gaadhayo barwaaqo iyo guul, iyagoo sidoo kalena taageerayaashooda u soo jeediyay inay weyneeyaan meel kasta oo ay joogaan xuska munaasibada 21guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ku began 18ka bishan May.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com