Midowga afrika oo baaq u diray Itoobiya iyo Maamulka TPLF

0

Addis Abab-(Berberanews)-Ururka Midowga Africa (AU) ayaa baaq u diray dawladda Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Tigray oo dagaal ka dhexeeyo.

Moussa Faki Mahamat guddoomiyaha Midowga Africa ayaa dhinacyada ay dagaalku u dhexeeyo ugu baaqay inay dagaalka joojiyeen wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad.

Dagaalka ayaa u muuqda mid aan wali lagu kala adkaan iyadoo hore Raysalwasaaraha Itoobiya uu u sheegay in waqti kooban ku soo afjari doonaan howlgalka.

Gobolka Tigrayga ayaa la sheegay in ay ku yaala saldhigyada ugu culus marka la eego xarumaha militariga dalkaas waxaana dad badani ay qabaan in dagaalka halkaa ka socda ay adag tahay muddo kooban lagu soo afjaro.

Horay hoggaamiyaha Ismaamulka Tigrayga ayaa uga dalbaday midowga Africa in ay soo faragaliyaan xaalada ka taagan Itoobiya.