Midowga Yurub oo cunaqabatayn dheeraada saaray dawladda Syria

0

Dimishiq-(Berberanews)-Midowga Yurub ayaa isku raacay  cunaqabatayn dheeraad ah inay saaraan dowladda Syria oo mudaharaado iyo rabshado lagaga soo horjeedo xukuummadu muddo sanad ku dhawaad ah ka socdo.

Kulan Wasiiradda Arrimaha Debedda Midowda Yurub ee 27 wadan maanta ku yeesheen Brusels waxay isku raaceen in cunaqabatayn la saaray Bangiga dhexe ee Syria iyo todoba ka mid ah wasaaradaha dawladda. Sidoo kale waxa xayiraad la saaray duullimaadyada diyaaradaha kaargooga iyo iibka agab ay ka mid yihiin dahabka, dheemanka iyo walxo kale.

 

Midowga Yurub waxay hore cunaqabatayn ka saareen dalka Syira dhinacyada shiidaalka iyo hubka ciidammada.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com