Midowga Yurub oo maalgelinaya barnaamij lagu horumarinayo kalluumaysiga Somaliland

0

Kharashka ku baxaya iyo qoddobadda xoogga lagu saarayo barnaamij loogu talogalay horumarinta wax-soo-saarka kalluumaysiga &caqabadaha la doonayo in meesha laga saaro

Hargeysa-(Berberanews)-Midowga Yurub, ayaa markii u horreysay bilaabay barnaamij lagu maalgelinayo horumarinta iyo ka faa’iidaysiga kalluunka ku jira badda Jamhuuriyadda Somaliland oo dherersan 850km, iskuna xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay xalay, ayaa lagu sheegay in EU-da iyo hay’adda caalamiga ah ee Oxfam ay iska kaashanayaan barnaamij muddo 3 sanno ah (2014 ilaa 2016) socon doona oo sare loogu qaadayo, laguna kaabayo horumarinta wax-soo-saarka kalluunka Soomaalida, gaar ahaan dalka Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasoo ay ku baxayso lacag dhan 5 milyan oo Euro (lacagta Yurub).

Fish_lannding_Berbera

 

“Midowga Yurub iyo Oxfam waxay daah-fureen barnaamij soconaya saddex sanno oo sare loogu qaadayo, laguna kaabayo wax-soo-saarka kalluunka Soomaaalida. Mashruuca maanta [shalay] la bilaabay wuxuu ka mid yahay barnaamij 5 milyan Euro ah oo laga hirgelin doono Somaliland iyo Puntland. Haddii lagu guulaysto waxa la gaadhsiin doonaa gobollada kale ee Soomaalida,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, barnaamijka u gaarka Somaliland oo la bilaabay shalay, waxa fulinaya hay’adda Oxfam iyo hay’adda waddaniga ah ee HAVAYOCO oo la shaqaynaysa Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee, kaasoo la doonayo in sare loogu qaado awoodda farsmo ee wasaaraddaas, horumarinta farsamada tignoolojiyada ee kalluumaysatada, samaynta nidaam lagu bixiyo liisanka kalluumaysiga iyo ilaalinta heererka tayada kalluunka, abuuritaanka nidaam lagu wadaagayo xogta suuqa, inuu bixiyo macluumaad ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee kalluuunka iyo in la dejiyo qiimayn lagu samaynayo degaannada ah, arrimahaas oo kor u qaadi doona heerka wax-soo-saar ee kalluumaysiga Somaliland si loo kocbiyo dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub, Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Md. Cali Jaamac Buureed, ayaa tilmaamay in mashruucani qayb ka qaadanayo horumarinta awoodda farsamo ee wasaaraddiisa iyo waaxda kalluumaysiga, waxaannu yidhi; “Mashruucani wuxuu ka qaybqaadanayaa horumarinta waaxda kalluumaysiga, wuxuuna taageerayaa awoodda farsamo ee wasaaradda iyo dhammaan waaxda kalluumaysiga.. Waannu la shaqaynaynnaa Midowga Yurub, Oxfam iyo shuraakada si uu si fiican u fulo mashruucan.”

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso, ayaa isna sheegay inay jiraan fursado waaweyn oo kalluumaysi, balse aan laga faa’iidaysan, “Waxa jira fursado waawayn oo kalluumaysi oo aan laga faa’iidaysan, taasoo keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka xeebaha. Waannu ku faraxsannahay inaan taageerno qorshaha waqtigan, kaasoo quudinaya qoysas, waxna ka beddelaya hab-nololeedka bulshooyinka xeebaha, samaynaya fursado shaqo, kobcinaya wax-soo-saarka kalluunka iyo dhoofintiisa, iyo inuu noqdo meel muhiim ah oo dakhli ka soo galo Soomaalida,” ayuu yidhi Ambassador Michele.

Agaasimaha Hay’adda Oxfom Mr. Enzo Vecchio, ayaa isna sida warsaxaafadeedka lagu sheegay tibaaxay in dadka xeebaha ku nool ay ku adag tahay horumarinta xirfadaha kalluumaysiga, habka loo soo saaro, iyo suuq-gaynta kalluunka, sidaa darteedna barnaamijkan Midowga Yurub maalgelinayo yahay mid loogu talogalay horumarinta xirfadaha kalluumaysi ee bulshooyinka ku nool degaannada xeebaha.

“Mashruucani wuxuu horumarinyaa nolosha dadka kalluumaysatada ah iyo qoysaskooda, sidoo kalena ta bulshada guud iyadoo loo fududaynayo helitaanka kalluunka iyo wax-soo saarka badda. Sidoo kale, waxay ka caawinaysaa dawladda sidii ay isugu dheellitiri lahad fududaynta iyo hagidda waaxda kalluumaysiga, si loo hubiyo in la sameeyo kalluumaysi la isku hallayn karo oo jiilka mustaqbalka ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Cumar Cabdillaahi oo ah Agaasimaha Fulinta ee hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO.

Waxa kaloo Midowga Yurub sheegay in biyaha badda Soomaalidu yihiin kuwa ugu qannisan goobaha kalluumaysiga ee qaaradda Afrika, lana wado awood lagu horumarinayo kalluumaysiga iyo dhulka xeebaha ah, laakiin ay jirto in aanay sidoo loogu talogalay u horumarsanayn waaxda kalluumaysigu, taasoo ay keentay kalluumaysatada oo aan lahayn xirfaddo si ay guddaha badda ugu galaan, isla markaana aan haysan doonyo iyo qalab kalluumaysi.

Mashruuca Midowga Yurub maalgelinayo ee horumarinta kalluumaysiga Somaliland iyo Puntland, waxa fullintiisu ku salaysan tahay dhisidda awoodaha farsamo ee Wasaaradda Kulluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado, loona maamulo khayraadka badda, taasoo ujeeddadiisu tahay in lagu gaadho xoojinta awoodda farsamo ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda si ay si fiican ugu maamusho khayraadka badda iyo deegaanka xeebta.

Sidoo kale waxa ujeeddada mashruucani ku salaysan tahay meel-marinta qoddobadan hoos ku qoran;

  • Dhisidda tayada dugsiyada maxalliga ah, iyadoo laga caawinayo tignoolojiyadda kalluumaysiga iyo maamulka khayraadka badda, lana la barayo aqoon iyo farsamo;
  • Taageeridda horumarinta nidaam lagu bixinayo liisannada kalluumaysiga;
  • Dhisidda awoodda farsamo ee Wasaaradda Kalluumaysiga si ay u samayso nidaam lagu ilaalinayo tayada;
  • Dhiirrigalinta kalluumaysatada iyo ganacsatada iyo jilaasha kale si ay u isticmaalaan nidaamka ilaalinta tayada iyo nidaamka liisanka;
  • Samaynta nidaam la heli karo xog ku saabsan suuqa kalluumaysiga;
  • In la baahiyo macluumaadka ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka iyo khayraadka badda;
  • Dejinta iyo hirgelinta siyaasadda iyo xeerarka lagu ilaalinayo, laguna maamulayo khayraadka badda iyo bii’ada degaannada xeebaha;
  • Waxa lala shaqaynayaa hay’adaha  gaarka loo leeyahay si u sameeyaan qiimayn bii’ada degaanka xeebaha;
  • Socodsiinta iyo u-doodista heer gobol ee fulinta heshiiska Basel ee ku saabsan dabar-goynta iyo ku-tuursita walxaha sunta ah ee badda.

Mashruucan ayaa haddii uu sidiisa u hirgalo noqon doona mid faa’iido weyn oo dhaqaale iyo ganacsi u yeesha Jamhuuriyadda Somaliland, korna u qaadi kara awoodda wax-soo-saar ee kalluumaynka badda ku jira.