Milatariga Ethiopia oo la wareegay Gacan-ku-haynta Caasimadda gobolka Tigray iyo Wararkii u dambeeyey

0

Addis Ababa (BerberaNews)- Ciidamada Federaalka Itoobiya ee Ethiopia, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreey ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Raysal-wasaare Abiy Ahmed soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Magaalada Mekelle waxa saacadihii u dambeeyey ka dhacayay duqeyn ba’an, sida ay sheegeen warar laga helay saraakiisha hay’adaha gargaarka oo ku sugan magaalada xilli hore oo maalinimadii Sabtida maanta ah.