Milateriga Mali oo xidhay Madaxweynihii iyo Raysalwasaarihii dalka

0

BAMAKO-(Berberanews)-Militariga Mali ayaa xidhay Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaadhka ah ee dalkaasi.

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood lagu xidhay xero milatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako.

Xadhiga madaxdan ayaa imaneysa dhawr bilood ka kaddib markii ay millitarigu xukunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah militariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda.

waxaana tallaabadan ay sii murginaysaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka ku yaal Galbeedka Africa.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaadhka ah ee Mali.