Morocco oo ku biirtay dalalka Carbeed ee soo celiyay xidhiidhka Israel

0

Morocco-(Berberanews)-Morocco ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee ka tirsan Jaamacadda Carabta ee ogolaada in ay xidhiidh caadi ah la yeelato Israa’iil heshiis ay gadh wadeen ka tahay Mareykanka Qeyb ka mid ah heshiiska, Mareykanka wuxuu ogolaaday inuu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Waa mowduuc ay isku hayaan Marooko iyo Jabhadda Polisario ee Aljeeriya taageerto, oo doonaysay inay samaysato dowlad madax bannaan. Morocco waa dalkii afraad ee heshiis noocan ah la sameeya Israel tan iyo bishii Augost.

Heshiisyo ayaa sidoo kale dhowaan lala galay Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Muxuu yahay heshiiska?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku shaaciyay heshiiska Twitter-ka maalintii Khamiista. “Guul kale oo taariikhi ah maanta! Labadeena SARE ee weyn Israel iyo Boqortooyada Marooko waxay ku heshiiyeen xidhiidh buuxa oo diblomaasiyadeed – horumar ballaadhan oo nabadeed ee Bariga Dhexe!” ayuu ku qoray.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Trump iyo Boqorka Marooko Mohammed VI ay isku raaceen in Morocco ay “dib u bilaabi doonto xidhiidbkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Morocco iyo Israel isla markaana ay balaadhin doonto iskaashiga dhaqaale iyo dhaqan si loo hormariyo xasiloonida gobolka”.