Mourinho Oo Kulanka Real Betis Uu U Noqon Doono Kiisii 100aad Ee La Liga Iyo Isagoo Rikoodh Jabiyay.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa goor horeba sii xaqiijistay booska tababaraha ugu guulaha badan ee taariikhda Spain ee boqolkiisa kulan ee ugu horeeyay horyaalka wax kasta oo ay ku dhamaato kulankiisa 100aad ee La Liga marka ay habeenka sabtida la ciyaarayaan Real Betis.

Tababaraha reer Portugal ayaa badiyay 76 kulan oo ka mid ah 99 kulan oo uu qabtay Real Madrid, iyadoo 23ka kulan kale 10 ka mid ah ay tahay guuldarro soo gaadhay Los Blancos halka 13ka kulan kale kooxdiisa lagu qabtay barbaro.

Mourinho ayaa 100kiisa kulan ee ugu horeeyay La Liga waxa uu ku noqonayaan tababaraha ugu guulaha badan isagoo ka hormaraya tababarihii hore ee Real Madrid Miguel Munoz iyo tababaraha Barcelona Pep Guardiola oo 100koodii kulan ee ugu horeeyay La Liga badiyay 70 ka mid ah.

Guushii ugu weyneyd ee Mourinho kooxdiisa ay gaadhay intii uu macalin u ahaa waxa ay aheyd markii ay 8-0 kaga badiyeen Levante Copa del Rey bishii December 2010kii.

Waxaa ka hor kulanka sabtida oo noqon doonta kulankii 100aad ee La Liga ee Jose Mourinho ay kooxdiisa ka hortagi doontaa Real Betis iyagoo soo badiyay 10kii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka islamarkaana 10 dhibcood hogaanka kaga haya kooxda ay xafiiltamaan ee Blaugrana.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports