Mourinho Oo Uu Muran Ku Dhexmaray Garoonka Tababarka Ramos Iyo Casillas Ka Dib Guuldaraddii Barca.

0

Wiigan xaalada Real Madrid ayaa sii xumaatay ka dib markii gurigooda 2-1 ay kaga badisay kooxda Barcelona, waxaana kooxda sii dabaraacay saxaafada oo si xun uga hadleysay dhacadadii Messi iyo Pepe iyagoo eedeeynayay Mourinho madaama uu bedelay qaab ciyaareedkii Los Blancos.

Waxaana haatan soo baxaya in garoonka tababarka uu muran weyn ku dhexmaray tababare Jose Mourinho iyo kabtan ku xigeenka Sergio Ramos maalintii jimcada.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isboortiga ee Madrid ka soo baxa ee Marca, Mourinho ayaa ka eedeeyay shaqaalihiisa iyo ciyaartoydiisa  inay dhabar ka toogteen ka dib markii ay saxaafada la hadleen ciyaartii habeenkii arbacada ka dib.

Intii lagu guda jiray tababarka maalintii jimcaha, Marca ayaa waxa ay leedahay Mourinho ayaa u tagay Romas isagoo ku yidhi: “Waxaad igu disheen hadalada aad siiseen saxaafada ee isku qasan”

Ramos ayaa ugu jawaabay: “Maya, boss, waxaad akhrisay kaliya waxa ay saxaafada daabacday, ee ma ahan wax walba oo aan nidhi”

Sida Marca ay sheegeyso, Mourinho ayaa markaasi weeraray ciyaartoyda Isbaanishka isagoo ku jawaabay: “Dabcan, madaama aad Isbaanish tihiin oo aad koob adduunka qaadeen, saaxiibadiina saxaafada ayaa idiin ilaalinaya… sida goolhayaha”

Waxaana uu hadalkaas ugala jeeday kabtan Iker Casillas oo taagnaa meel 30 mitir u jirta, waxaana Casillas uu ugu jawaabay si caro leh isagoo yidhi: “Boss, halkaan markaan wax dhaheyno wajiga ayaan iska saarnaa”

Mourinho ayaa markaasi lagu soo waramayaa inuu u jeestay Ramos isagoo weydiiyay: “Halkee joogtay markii goolka hore uu naga dhalanayay, Sergio?”

“Waxaan raacayay Pique” ayuu ku jawaabay, iyadoo tababaraha reer Portugal uu yidhi: “Waxa ay aheyd inaan xidhato Carles Puyol (ciyaaryahankii goolka dhaliyay)”

Puyol ayaa waxaa u ogolaaday inuu kubada madaxeeyo Pepe, waxaana Ramos uu sheegtay in isaga iyo saaxiibkiisa  ayaa isku bedesheen kala xidhashada madaama kooner la soo tuurayay.

“Puyol iyo Pique waxa ay riixayeen difaacayada si ay kuwa kale fursad u siiyaan, waxaana go’aansanay inaan isku bedelano kala xirashadooda” ayuu Ramos u sheegay Mourinho.

“Waa maxay waxaas, haatan ma waad isku dayaysaa inaad madaxaada isku noqoto tababare? Ayuu Mourinho weydiiyay

“Maya, lakiin xaalada lagu jiray mararka qaar waa laga maarmaan in lakala bedesho qofka aad raaceyso” ayuu Ramos ku jawaabay.

“Madaama aadan ciyaaryahan heer caalami soo noqonin, ma ogaan kartid in mararka qaar ay laga maarmaan tahay in boosaska la isku bedesho iyo raacashada” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Marca ayaa sidoo kale waxa ay sheeganeysaa in ciyaartoyda Madrid aaanay ku faraxsaneyn tababaraha ka dib markii uu Mourinho ciyaartoyda weeraray markii lagu guda jiray ciida masiixiga, markaasoo uu sheegay in ciyaartoyda qaarkood ay iska joojin waayeen inay wax cunaan intii fasaxa lagu jiray.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports