Mudanayaasha loo doortay Ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Wakiillada oo ka hadlay dareenkooda

0

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta xilalkaas Xildhibaannada Wakiilladu cod aqlabiyada ugu doorteen, ayaa ka hadlay siday u arkaan xilka loo doortay, iyaga oo u mahad-celiyey Mudanayaasha u codeeyey iyo kuwa ka codeeyey-ba.

“Awalba waxaan ka mid ahaa shir-guddoonka, waxa hadda soo kordhay waxa weeye awal Bidixda ayaan ka fadhiisan jiray Guddoomiyaha, wixii maanta laga bilaabo-se waxaan ka fadhiisanayaa Midigta oo waxaan isu casilay waxa weeye inaan tuso dimquraadiyada Somaliland oo aan reerna la hayn nin walba waxay ku xidhan tahay kalsoonidiisa ee beelaha darafyada waxaan u sheegayaa in Somaliland aan cid kala la hayn.”Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Farax oo hore u ahaa ku-xigeenka labaad, isla markaana iska casilay si uu jagadan maanta loo doortay u buuxiyo.

Sidoo kale, Mudanaha loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed oo isaguna ka hadlay sida uu u arko xilka loo doortay, waxa uu yidhi; “Xildhibaannadii idoortay iyo kuwii iga codeeyay aad ayaan ugu mahad celinayaa oo waxa jiray rag badan oo isa soo sharaxay hadana saxibadood uga tanaasulay taasi waxay ku tusaysaa bisaylka Somaliland iyo Siyaasiyiinta Somaliland sida ay isugu tanaasulayaan.”Sidaas ayuu yidhi Md Cali Yusuf Axmed.

Labadan Mudane ee maanta look ala doortay ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Wakiillada ayaa laga soo doortay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.