Mudane Xildhibaan. Noqo Mid Xilku Dhibo Balse Ha Noqonin Mid Xilka Dhaba

0
Garyaqaan Yuusuf Biixi

Ujeedo: Sixid iyo Soo Jeedin Sharci

Sideebay Xildhibaanada Gollahu u Samaynayaan La Xisaabtanka Runta ah Ee Hayaddaha Dawliga

Mudanyaasha gollaha Wakiilada Somaliland Ee Cusub Waxaan usoo jeedinayaa inay Noqdaan kuwo uu dhibo xilka iyo masuuliyada iyo karaamadda ay umaddu huwisay oo ay ugu adeegaan sida ugu haboon uguna heerka saraysa, kana duwanaadan dhex fadhiya- yaashii hore, hana noqonina kuwo darjiidha masuuliyada iyo awoodahiina dastuuriga ah.

Mudanyaal waajibaadka iyo masuuliyadaha idinsaaran waxaa ka mida inaad la xisaabtataan haayadaha dawliga ah ee bulshada adeegyada kala duwan u haya haday tahay Wasiiro, Maareayaal, gudomiyayaal iyo WLM si waafaqsan, Dastuurka JSL Qodobkiisa(53aad) waana awoodaha iyo waajibaadka gollaha wakiiladda saaran.

Balse waxaan xusid mudan in maalmihii ugu danbeeyey xildhibaano u xisaabtamaya sidii ciyaala xaafadka ama ay ka muuqato u qaadanwaaga masuuliyada culus ee dastuurka iyo xeerarka dalku ay siiyeen,
waxaana xusid mudan inay iska soo daba dhacaya wasiiro ay xafiisyada ugu tagayaan si habqan ah iyadoonay u marin xeer ama habraaca maamule ee ay kula xisaabtamayaan masuuliyiinta dawlada adeega kala duwan bulshada u haya ee ay kula xisaabtami lahaayen,

waxaanay wasiirda ay xafiisyadooda ugu tageen ay su,aalo iyo warbixino ay kaga doonayaan si aan haboonayn, taasoo u muuqata inay is barayaan wasiirada ee aanay jirin, masuuliyad ay wax qaldan ku saxayaan ama ay masuul qaldamay kula xisaabtamayaan sifo sharciya.

Waan soo dhawaynayaa la xisabtanka runta ku dhisan, balse waxaan leeyahay idinka oo ilaalinaya karamadiina xildhibaanimo iyo ta gollewaynahaba u habraaca sifo shrciga waafaqsan oo noqonaysa sidtan:

1. Goluhu waxa uu yeelanayaa guddiyo u kala xilsaaran adeegyada bulshada isla markaana xaq iyo awooba u leh in ay sameeyaan baadhis iyo isla xisaabtan dhab ah, guddidaas oo yeeanaysa gudoomiye ku hogaamiya waxaana muhiima in xildhibaanku uu ka mid yahay xubanaha guddi hoosadkaas gollaha u igmaday masuuliyadaas gaarka ah, isla markaana isaga oo guddi hoosadkiisa u maraya waxa ay dalbankaraa in masuulka ay u baahanyihiin loo yeedho oo siday doonan ay su,aalo u waydiinkaraan, taas oo aanuu wasiirka ama masuulkaasiba sinaba uga cudurdaaran karin ama aanuu u diidi karin imaashiiyaha guddida horteeda.

2. Marka ay ku qancaan ama ay ku qanciwaayaan warbixinta wasiirka ama masuulkaleba waxay u dirikaraan baadhis loo igmaday xubno kamid ah guddidooda ama dhamaan guddidaba waxaanay xaq u leeyihiin inay samaynkaraan baadhis kasta oo lagama maarmaan u ah shaqada ay qaranka u hayaan.

3. Baadhistaas ama warbixinaha ay soo ururiyeen ee la xidhiidha la xisbtanka masuulka ay guddidu la kulmeen guddidan goluhu waxay u gidbinkaraan golle waynaha, hadii ay tahay in masuul talaabo laga qaadayo ama xeerar god,dalooloyin sharci leh oo u baahan in wax kabadal iyo kaabis lagu sameeyo ,iyo in ay muhiim tahay in xeer la unkoba, ama la sameeyaba golahaa warbixintooda ka doodaya kana go,aan gaadhaya.

Sidaas darteed aniga oo siguud u guud maray waxaan xilhibaanada ku boorinayaa in masuuka ay u baahdaan ay ugu yeedhaan xafiiskooda gollaha wakiilada si dhab ahna ugula xisaabtamaan.

Xaqsoore Waa Alle
Qore. Garyaqan Yuusuf Biixi Muxumed