Muqdisho: Askar ku dhintay qarax iyo masuulliyiin hore oo ku dhaawacmay

0

Muqdisho-(Berberanews)-Saddex Askari oo ks tirsan ciidanka Somalia, ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen.

Sidoo kale, Muxiyadiin Xassan Afrax iyo Xusseen Caraale oo labaduba horay xildhibaanno u soo noqday, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen qaraxa.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaadhi ay la socdeen mas’uuliyiintan hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay Qaraxa.