Muqdisho: Askari galaaftay nolosha shan qof oo qoyskiisa ahaa

0

Muqdisho-(Berberanews)-Askari ka tirsan Ciidammada Somalia, ayaa xalay galaaftay qoyskiisii Degmada Wardhiigley magaalada Muqdisho.

Askari sida la sheegay ku hubeysnaa qori iyo banbo ayaa dilay dadkaas oo dhammaantood ka wada tirsanaa qoyskiisa.

Dhacdadan argagaxa leh waxaa ku geeriyoodeen ugu yaraan shan ruux sida ay xaqiijiyeen warbaahintu.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ninkan markii hore laga qaaday qoriga laakiin uu banbada qarxiyay, kaddib markii uu muran ka dhex dhacay isaga iyo qoyskiisaba.

Warbaahinta qaar ayaa tirada dhimashada gaadhsiiyay ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan askarigaas hooyadiis iyo walaalihiis.

Saddex ruux oo uu ninka falkan geystay ku jiro ayaa dhaawacmay.

Berberanews.com, info@berberanews.com