Muqdisho: Khasaaraha qarax lala eegtay Gaadhiga Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid

0

Muqdisho-(Berberanews)-qaar la mid ah ilaallada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, ayaa ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaadhiga guddoomiyaha Axmed Cabdullaahi Cariif.

Wararka ayaa sheegayaa in qaraxa loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baadhitaano la xidhiidh qaraxa.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii sidan oo kale qarax loo dhigay gaadhi ay la socdeen lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho.