Muqdisho: Maalinta Jimcaha ah waxa ka dhacaya mudaaharaad ay ka qaybgalayaan hal milyan oo qof

0

Muqdisho-May, 09, 2012-(Berberanews) — Sheekh Axmed Dhicisoow, oo ka mid ah cullimada waaweyn ee Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay mudaharaad ka dhan dastuurka cusub ee Somalia inay maalinta Jimcaha ka dhigi doonaan magaalada Muqdisho.

Sheekh dhicisoow waxa  uu sheegay in mudaharaadka oo ay ka qaybgeli doonaan kun qof oo ka dhan Dastuurka cusub ee Somalia oo uu ku tilmaamay mid aan dani ugu jirin dadka iyo dalka toona, “Maalinta Jimcaha ah waxaa dhacaya mudaaharaad ay ka qaybgalayaan hal milyan oo qof oo looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana qabnaa haddii sidan lagu ansixiyo inuu khatar weyn ku yahay dalka iyo dadka,” ayuu yidhi Sheekh Dhicisoow oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Sheekh Dhicisow iyo culimmo badani waxay si weyn uga soo horjeedaan Dastruurka cusub ee Somalia loo yagleelayo oo ay ku sifeeyeen mid ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somalida.

Sidoo kale, dawladda ku meelgaadhka ah, Ururada Midowga Africa, Qarammada Midoobey iyo IGAD waxay ku hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cidkasta oo ka hor timaada Dasuurka cusub.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com