Muqdisho: Wasiir Xilkii isaga Casilay Xiisadda ka taagan Baydhabo oo uu u adkaysan waayey

0

Muqdisho (BerberaNews)- Wasiirkii howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Gureynta dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda, isagoo is-casilaaddiisa ku sababeeyey rabshada ka socda magaalada Baydhabo.

Cabdifataax Maxamed Geeseey, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Bay, gaar ahaan degmada Baydhabo, waxaanu noqonayaa masuulkii ugu horreeyey ee isu-casila xiisadda ka taagan magaaladaas.

Masuulkani waxa uu sheegay in go’aankiisa uu qaatay kaddib markii uu u adkaysan kari waayey cadaadiska lagu hayo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

”Sababta aan isku casilay waxaa ay tahay ma jirin meel dowladda aan aniga ka tirsannahay ay ku go’aan qaadatay in la afduubo lana cabudhiyo doorashada Koonfur Galbeed”. Sidaas ayuu yidhi Cabdifataax.

“Ma jirin meel lagu go’aansaday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xidho muwaadin Mukhtaar Rooboow, loogana reebo doorashada. Ma jirin meel lagu go’aasaday in aan lala tashan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaannadaas ka soo jeeda, iyadoo ay jirto in la hareer marayo dhammaan wixii shuruuc ah ee u yaalay dalka, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan marqaati ka sii ahaanin arrimahan oo dhan,’ ayuu yidhi Wasiirku.