Murankii wershadda sibidhka Berbera oo dib u soo laba kacleeyay, gacan-ka-hadal dhexmaray kooxaha loolanku dhexmiranayo iyo xaaladdihii u danbeeyay

0
Cuqaash, madaxdhaqammeedka taageray dhismaha wershadda

Berbera-(Berberanews)- Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil waxa dib uga soo noolaaday murrankii wershadad sibidhka Berbera ee sanadkii 2011 hadheeyay gobolkaas, ka dib markii Madaxweyne Axmed Silaanyo ruqsad ganacsi oo u ogolaanaysa wershad labaad siiyay shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil inay ka dhisaan Berbera.

Tallaabadaas waxa markiiba ka horyimi ganacsto badan oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil,kuna bahoobay magaca “Berbera Cement Factory” kuwaasoo hore u haystay ruqsad uu siiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin sanadkii 2009, waxaannuu go’aankaasi keenay inuu xaalad kacsanaan ahi ka bilaabanto Gobolka Saaxil, taasoo ay Guddidu gaashaanka ku dhufteen go’aanka ka soo baxay xukuummadda Madaxweyne Silaanyo oo ay ku andacoodeen inaan dalku qaadi Karin laba wershadood.

Shirkadda Telesom, ayaa bishii April 2011 ku dhawaaqday inay ka noqotay heshiiskii ay ku midaysnaayeen Dahabshiil, taasoo kaga cudurdaaratay duruufihii xaaladeed ee wakhtigaas ka dhashay go’aankaas.

 Maxaa dib u soo nooleeyey murranka?

“Waxa la bilaabayaa wershaddii sibidhka, waxaan idin ballanqaadayaa sanadka gudihiisa amma mid ha ahaato amma laba in la bilaabayo dhismaha wershadda sibidhka, Berberana  cid gaara umma xidhnaanayso ee magaalada waa la maalgelinaya, waana la dhisayaaa.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban oo todobaadkii hore ka sheegay xaflad ka dhacday Berbera, taasoo la odhan karo waxay xudun u tahay bilowga murrankii wershadda Berbera oo aan wax xal ah laga gaadhin.

Hoggaanka Guddida Shirkii loogu magac-daray “Dan iyo Duco” oo 29-kii September 2011 ka dhacay Deegaanka Dubur,ahna ganacsatadii uu Rayaale ruqasada maalgelinta wershadda siiyay, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Berbera ku dhalliilay maamulka Gobolka Saaxil iyo shirkadda Dahabshiil inay weerar ku soo qaadeen wershaddii sibidhka oo  la doonayo in laga fara-maroojiyo.

Gudidii shirka Dubur, ahna ganacsatadii ruqsada hore u haysatay

 “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arin maalmahii u danbeeyay hadal haynteedu jirtay oo ah in wershadii sibidhka ee dadka Somaliland oo dhan ka dhexaysay uu nin gaari yidhi aniga ha lay calaamadiyo oo ha lay seeso arintaas oo ah mid ay ujeedo kale ka danbayso, waxaa  naga yaabisay marku damcay inuu keligii hantidada umadda inuu yeesho.waxaana aanu baaq dheer u direyna xukumada anagoo leh maaha inay dawladu ku tumato cadaalada,waana arin cadho gelineysa bulshada deegaanka.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddigaas,  Muuse Xirsi X. Abokor ( Muuse Dalab).

 Madaxdhaqammeed, cuqaal, iyo odayaal iyagu taageersan hadalkii badhasaabka Saaxil, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Berbera oo lidi ku ah shirkii shalay Gudidii Dan iyo Duco, ku qabtay magaalada Berbera, kuna taageeray hadalkii ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo ee ahaa, inaan Berbera cid gaara u xidhnaan doonin ee ay soo dhawaynayaan cidkasta oo danaynaysa maalgashi ay ka sammaysato Berbera, gaar ahaan wershadda sidbihdka Berbera.

Cuqaash, madaxdhaqammeedka taageray dhismaha wershadda

“Waxaa muddo dheer la lahaa wershadda sibdihka ayaa la sammaynayaa, waxaannu sheegaynaa goobtaa qof iyo reer toona ma yeelan karo, shakhsina ma yeelan karo, ninkii lacag haysta ayaanu soo dhawaynaynaa inuu maalgashi ku sammaysto oo lala yeesho.” Ayay yidhaahdeen cuqaasha iyo madaxdhaqammeedka shirka jaraa’id ku qabtay Berbera.

 Weerarro ammaan darro sababay oo xiisad ka abuuray Berbera

Kooxo dhallinyaro ah oo abaabulan, ayaa weerar ku qaaday Goobta ay maanta shirka Jaraa’id ku qabteen madaxdhaqammeedka iyo cuqaashu, kuwaasoo gacan ula tegay odayaasha, waxaanay arrintaasi sababtay in Saldhiga Berbera looga yeedho qaar ka mid ah hoggaanka Gudidii Dan iyo Duco oo lagu tuhmay inay ka danbeeyeen falkaas, waxaana arrintaasi hordeeday in dadweyne tiro badani ishortugaab saldhiga oo waxoogaa buuq ahi ka dhashay.

 Xaaladihii u danbeeyay

Berbera waxa si weyn uga socda dabaysh hadal-haynta maalgashiga wershadda sibidhka Berbera, loollanka murran ee u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda, ee qaarkood ka biyo diideen hadalka badhasaabka Saaxil iyo kuwa taageerada u muujiyay.

 

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka so baxay Maamulka Gobolka Saaxil iyo xukuummadda toona, balse warar aan la xaqiijin oo aanu ka helay dhinacyada Madaxtooyaddu waxay tibaaxeen safar Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ugu baxayo Berbera.

Shebekadda Berberanews waxay ku caanbaxday dhexdhexaadnimmo ay hagayso mihnad saxaafadeed.

Maxamed Xarrago

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com