“Musuqmaasuqa Baahsan ee Curyaamiyey Wakaalada Xooga Korontada Berbera..”Axmed Siciid Maxamed

0

Magaalada Berbera waa hooyada Somaliland, waa magaalada 90% ay ka soo xaroodaan dhaqaalaha Somalilanad, hase ahaate, waa magaalo-xeebeed kuleyl ba’ani ka jiro oo dadkuna aanay  ku noolaan karin koronto la’aan.

Iyadoo  ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiyena ay ku jirtay xilligii ollolaha doorashooyinka in uu leydh la’aanta nafaysay Berbera uu wax ka qaban doono haddii ay codkooda siiyan dadkuna ay aad ugu riyaqeen balse markii ay ku guuleysteen doorashadii aqalka Madaxtooyada balan qaadkaasi  noqday mid dhicisoobey,  dawlada cusubna waxa laga rajaynayey in ay isbedel maamul oo dhab ah ka sameyso sida ay meelo badan uga sameysay

Sida aynu wada ogsoonahay korantadu waxay  kow ka tahay nolosha reer xeebeedka  waxaanay baahanyihiin laydh 24hrs sidoo kale  goobaha caafimaadka oo bukaan jiifku ku noolaan Karin cusbitaalka marawaxad la,aan sidoo kale goobaha waxbarashad sida jaamacadaha , iskuulada dawlada , madarasadaha iyo misaajidada oo ah iyaduna halka ugu badan ee ay bulshadu ku xidhantahay waxna ka bartaan kuna cibaadeystaan  ayaa iyaguna u baahan laydh joogto ah oo qimo jaban kuna filan  si doo kale   waxa iyaguna la ildaran laydh la,aanta baahsan ee magaalada haysa goobaha ganacsiga meheradaha yaryar oo aan iyagu awoodi Karin inay laydh la,aan shaqeeyaan .

taas waliba waxa udheer gabi ahaanba in saacadihii laydhka aan laga helin Berbera markii cida maamulka gacanta ku haysaa ay yidhaahdeen soo qaata saacado la yidhaahdo W12 oo laga leeyahay wadan jarmalka ay iskaba daayeen dadkii saacadaha ka ganacsanjirey , reer berbera manta waxaay saacadaha usoo doontaan magaalada hargeysa xataa saacadii waxey berbera ka gaadhey  $ 36 , taasna waxa u dheer qofkii reer berbera ah laydhka ka hadla in laydhka laga jaro haddi laga jarana  aanu heli karin laydh kale

Haddaba Berbera waxa mudooyinka u dambeeyey haystey koronto la,aan taas oo sababtey in magaaladii bakhtido  laydhkuna maqnaado qadar saacado ah taasi ay hakad geliso adeegii bulshada

magaalada markii hore waxa shidi jirey laba mishiin oo waaweyn  oo keentay xukuumaddii riyaale mudo saddex sano ah u baxaayey , balse labadii mishiin mid ayaa duqeeyey ,markii u duqeeyey is mey odhan mishiino soo iibsada oo wax kale doonta mishiinkii kali ahaa mudo sanad ah ayuu baxayaa ,taas oo sababtey inuu yeesho cilado joogto ama uu ku filnaanwaayey magaaladi taas oo ilaa iyo hadda aaney wax ay ku badalaan ama ay ku kabaan mishiinka aaney keensan , cida maamulka gacanta ku haysaana ay tidhaahdo dawlada ayaa keenaysa

sida ilo xogogaali ay ay sheegayaan  marka lakalo jaro dakhli  iyo kharash lacagta ka soo baxdaa  waxay ujari lahayd mishiino cusub.  lakiinse  ma dhicin dawladu dabogal   kumaysameyn  run ahaantiina waxaad mooda in dawlada cusub iska indho tirtay cabashada joogtada ah laydhka oo la odhan karo waa aafo haysata dadka reer berbera oo aanay cidi u ogeyn.

Siday ilo xogogaali tibaxeen  misaaniyada warshada  marka kharash iyo dakhli lays barbar dhigo waa sidan  hoos ku xusan.

ID Description K.W U.Price T.Price
1 Dakhliga soo xarooda bishii 180000 K.wat $ 0.8  $  144,000
Total  $  144,000.
Kharashaadka Wakaalada Korontada ku baxa bishii
2 Shiildaal 240 Foosto 170  $    40,800.
3 Mushaharka shaqaalaha 1 11000  $    11,000.
4 Saliida injiinka 1 Foosto 500  $          500
Total  $    52,300

Dakhliga in taas leg warshada leydhka habayaraate waxba loogu qaban khasnada dawladana aan ku dhicin ,lacagtaas haddii si masuuliyadi ku dheehan tahay loo maamuli lahaa wax weyn ka badeli lahayd koronto la,aanta baahsan ee saameynta weyn ku yeelatey magaalada xeebeedka berbera

Looguna soo iibin lahaa mishiinka ay  baahida u qabto, magaaladana  ku filnaan lahaa .

Adeegyada bulshada ayaa iyaguna ah qaar aad u liita  oo aan sidii la  rabey umada loogu adeegin  sida ciladaha yaryar ee ka yimaada xaafadaha magaalada ku yaala iyo waayiro si aan nidaamsaneyn u yaala dab badanina kaga  lumo  

Haddaba wakaalada korontada ee berbera maaha mid madaxbanaan ee waxa ay hoos tagtaa oo gacanta ku haysa dawlada hoose  taas oo uu maayirku  uu u magacaabey xildhibaan golaha deegaan ka tirsan oo magaciisa layidhaahdo carab dhag carmo sharci ahaana aan banaaney xildhibaan umadu ay usoo dooratey inuu u adeego inuu hadana noqdo shaqaale dawladeed aanu kana warheyn meeshii madaxda looga dhigey markey bishu dhamaatuun soo xaadira , Badhasaabka gobolka saaxil waxa uu ka indho qarsadey wakaalada korontada musuqmaasuqa iyo cadaalad darada ka jirta taas oo ay dawlada dhexe siisey 600 oo foosto  looguna talogaley in  magaalada  qiimaha loogu jabiyo balse aan la garaneyn meel alaaliyo meel ay martey taasna waxa sii dheer maxjarka  Jaabiri oo ugu deeqay $ 70,000 kun oo dollar uguna talo galay horumarinta gobolka saaxil sida korontada ,waxbarashada,caafimaadka I.W.M   aan iyadana la garneyn meel ay ku baxdey

 Sidoo kale waxa iyana indhaha laga qarsan Karin bakhbakhtiga laydhka oo maalintii iyo habeenkii marka laysku daro  ilaa 6jeer  bakhtiya taas oo ay dhacdo haddii aad shidaal ubaahato in aanad helin kaalin shidaal oo shaqaynaysa madaamo ladiiday  in ay  ubaxaan shirkadihii (private electric  power stations) taasina ay keentay in aanu qofka ay is qabtaan masuulka warshada in aanu heli Karin leydh kale.

Axmed Siciid Maxamed

Berbera/Somaliland.

Aragtidani waxay gaar u tahay qoraaga maqaalka, hase ahaatee, Berberanews waxay keliya dhiirrigelinaysaa xorrimada fikirka muwaaddinka oo Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland u dammaanad-qaaday inuu qoraal, sawir, hadal iyo qoraalba ku cabbiri karo aragtidiisa shaqsiga ah.