Musuqmaasuqana ha lagu daro waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo

0

Prof Cabdi Xuseen Maraykan

Hargeysa-(Berberanews)-Musuqmaasuqu waa udub-dhexaadka curyaamiyay horumarka waddammo badan oo adduunka ah ,haw badnaadeen kuwa Afrika, waa xannuun niyad-jab weyn ku ah dadka daacadda ah ee caqliga fiican leh, waxaa kale oo uu saaxiib la yahay nacaska ma damqadaha ah ee quuta.

Akhristayaasha qiimaha badan ee wakhtigooda ii huray waxaan doonayaa inaan halkan ugu iftiimiyo dhacdo foolxun iyo musuqmaasuq qaawan oo aan kala kulmay qaar ka mid ah xafiisyada dawladda ee xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed-siilaanyo.

 Cabdi-Xuseen-Maraykan-Flozy

Waxa maalin dhawayd guriga iigu timid gabadh aan adeer u ahay oo walaalkay  oo marykanka dagani dhalay. Waxay igu tidhi aabbaa ila soo hadlay oo igu yidhi “ tag safaaradda Maraykanka ee Addis-Ababa si lagaaga qaado dhiiga looyaqaano D.N.A, ee lagu xaqiijiyo dadka is dhalay. Baasaaboor aan mar hore ku tegey Ethiopia baa iga lumay ee ii raac xafiiska socdaalka, islamaalintii labaadba waxaanu nimid xafiiska markaan magicii iyo war bixintii loo baahnaa aanu sheegnay si hawl yarbay u heleen faylkeedii.  Waxay shaqaalihii nagu yidhaahdeen labo warqadood ka soo qaata xafiisyada kala ah dambibaadhista (C.I.D) iyo xeer ilaalinta, waxanu isla maalintiiba ku horraynay  xafiiska dambi baadhista annaga oo sidana faylkii, markii la baadhay way heleen magaceedii iyo in muddo gaaban ka hor xafiiskan timid, waana markay qaadanaysay baasaaboorka lumay, waxay masuuliyiintii xafiisku nagu yidhaahdeen bixiya toban dollar waraaqdana barito soo doonta, waan bixiyay tobankii dollar Rasiidhna la imasiin, maalintii danbe baan soo qaadanay waraaq cadaynaysa in aanay wax dambiya lahayn.

Intaa ka dib waxaanu markiiba tagnay xafiiskii xeer ilaalinta, waxaan u sheeganay muraadka yaga waxay hawl wadeenadii xafiisku yidhaahdeen inantu ha soo qorto codsi, markaan waydiiyay waxa lagu qoraayo, allah ha gargaaree xafiiska ayaa noo qoray codsigii markay inantii saxeexday waxa nala yidhi soo bixiya toban kun oo shilinka Somaliland oo tigidho ah, sidii baan yeelay markiiba xafiiskii ayaan codsigii oo tigidhaysan ku soo celiyay, waxayna yidhaahdeen konton kun oo shillin bixiya, konton kii kun ayaan bixinay aniga oo ogaa in xafiiska danbi baadhista laygaga qaaday toban dollar rasiidh cadayn ahna aanan hayn ayaan ku idhi I siiya rasiidhkii, intuu iigu jawaabay i sug buu farta iga saaray waraaqdaanu baahnayn ee xafiiska socdaalku nagu xidhay.

Waanu la soo dhaqaaqnay waraaqdii dembi la’aanta . Maalintii danbe markaan keenay labadii warqadood ee laygu xidhay. Waxay masuuliyiinta xafiisku iigu jawaabeen, baasaaboorkii hore waa la joojiyay, waxaa la bixinayaa E-Baasboor, isna wali lama fasaxin bixintiisa, goorta la fasaxaayana garanmayno, mudo toddoba cisho ah ayaan ku noqnoqonaayay xafiiska. Maalintii siddeedaad baa la yidhi waa la furay ee waxa yimid amar cusub, kaas oo ah qof aan diwaan gelinta soo marin ma qaadanaayo baasboorka ee inantu ha soo marto diwaangalinta, is la  subaxdii ku xigtay bay soo martay xafiiska diiwaangelinta oo, waraaq caddeyn ah bay ka soo qaadatay, kolkaan geeyay xafiiskii socdaalka waxay hadana yidhaahdeen way dhantahay ee waxa hadhay  in ay soo qaadato kaadhka caaqilka.

Aniga oo ka warwarsan halka caaqilku joogo baan telifoon u diray nasiib wanaag meel dhaw baan ka helay oo wuxuu igu yidhi waxaan joogaa wasaaradda arimaha gudaha horteeda. Halkaas baan sawirkii kaadhka ka soo qaaday iyada oo ay inantu ila socoto, markiiba waxaan keenay xafiiska socdaalka, waxaan ku idhi masuulinta xafiiska “waar marba waraaq baa ii diraysaan, maxaa hadhay oo aan maantana keenaa”?!. Wuxu yidhi, “waraaquhu waa ay kaa dhan yihiin, keen boqol iyo shan iyo konton dollar ($155), waxa inanta la sawirayaa toddobaad ka dib is la markaana la siinayaa Baasaboorka”. Sidaan hore u sheegay u jeedada ay inantu Baasboorka u doonaysey waxay ahayd in ay ku tagto safaaradda Maraykanka ee Addis-Ababa oo ay ballan ku leedahay, wakhtiga balanta ayaa meesha ka baxaaya haddii la siiyo Baasboorka toddobaad ka dib wax faaiido ah oo uu u leeyahay ma jirto.

Ballanka inantu leedahay waa sagaal maalmood ka dib. Hadii ay qaadato baasaaboorka todobaad ka dib waxay fursad haysataa labo maal mood oo kaliya inay safaarada Ethiopia ka qaadato visa isla markaana ku gaadho Addis-ababa iyada oo dhulka maraysa. Waa wax aan suuro gal ahayn, sidaa waxaan u sharaxay masuulka xafiiska joogay, wuu garawsaday wuxuu se igu yidhi anigu wakhtigaa aan kuu qabtay kaagama hormarin karo, amar baanu qabnaa in aanan sidaa waxba ka badalin, waxa arintaa kuu samayn kara madaxa xafiiska socdaalka. Waxaan xafiiska ugu tagay madaxa u sareeya xafiiska socdaalka waan u waayo sheegtay, waxaan ku idhi muddo labo todobaad ah baa kolba waraaq la iidiraayey markaan soo wado dhameeyay, waxaa la iyidhi sug toddoba maalmood, Taliye inanta waxa ay ballani u taalaa safaaradda maraykanka ee Addis-ababa oo ka gaadhimayso haddii ay toddoba cisho sugto, fadlan ii tixgali arintu waa xaalad degdagee. wuxuu maamulaha xafiiska xafiiska socdaalku iigu jawaabay “toddoba maalmood way yar tahay anigu waxaan odhan lahaa hala sugo afar iyo toban cisho”. isaga oo ku cel celinaaya Baasboorka Somaliland si hawl yar lagu qaadan maayo. Aniga oo niyad jabsan baan ka soo baxay xafiiska madaxa socdaalka.

Talo way igu cadaatay, bal akhriste maxaad yeeli lahayd?. Waxaan adeegsaday dhaqan ay soomaalidu caan ku tahay Somalilandna ka mid tahay, dhaqan kaas baa shaqeeyay. Maalintii labaadba inantu way qaadatay Baasboorkii ballankiina way ka gaadhay. Boqol iyo shan iyo todobaatan dollar oo la igaga qaaday magac dawladeed baa toban kun Somaliland ah oo tigidho ah mooyee inta kale aanay caddeyn halka ay ku dhacday. Gabo gabadii waxaan  odhan lahaa “Musuqmaasuqana ha lagu daro waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo”

Pro:- Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)