Muuse Biixi & Maalgashiga dalka!

0

Maalka shirkadaha iyo shakhsiyaadka maalqabeenka ah ee dal la galiyaa, waa shayga ugu wayn ee dal ku hormaro. Waayo wuxuu maalgashigaasi abuuraa shaqo, oo boqolaal ama kumannaan qof ayaa shaqo ka hela ay ku mushahar qaataan. Dadkaasi iyaguna waxay sii maalgelinayaan ganacsatadii kale ee dalka oo mushaharkoodii way biishanayaan (dukaanlayda iyo maqaaxilayda ayaa sidaa ku maal gelinayaan), guryo ayay kiraysanayaan ama dhisanayaan (halkaana wasdaado, nijaaro iyo kuuli badan ayaa ku shaqo helay), waxay bixinayaa laydh, biyo, internet telefoon iwm ( halkaana shirkado badan iyo shaqaalahoodii ayaa ku calaf helay), ku dar baabuurta la iibsanayo, bensiinleeydii iyo qolooyinkii geerashyada. Umaddoo dhan ayaa kala nafisaysaa oo wada shaqo helaysa. Meheradahaa aan kor ku sheegay dawladdiina cashuur bay ka helaysaa. Cashuurtaana dawladdii shaqaalaheeda ayay ku mushahar siinaysaa, waxayna ku fulinaysaa adeegyada guud.

Sidaa darteed dalalku waxay ku dadaalaan sidii ay maalgashiga shirkadaha iyo shakhsiyaadka u heli lahaayeen (private investments). Dalalka dunida ugu qanisan ayaa ku tartama sidii ay u soo jiidan lahaayeen cid maalgashata dalkooda. Waxyaabo badan ayaana la sameeyaa sidii shirkadahaa loo soo jiidan lahaa sida cashuur dhaaf iwm. Ma ogtahay in shirkadaha dunida ugu waawayn ee deggen Maraykanka ayna hal senti oo cashuura bixinin. In maalqabeennada waawayn ee bilyanneerada ah ay ka yar tahay cashuurta ay bixiyaan inta ay bixiso gabadha dhulka u masaxdaa. Maxay dawladdu sidaa u samaynaysaa faaiidooyinka aan kor ku sheegnay ayaa dalka ugu jirta, taasaa lagu tixgelinayaa.

Waxa ugu muhiimsan ee maal shirkadeed ama shakhsiyeed aad ku soo jiidataa waa in lagu aamino, la isku kaa hallayn karo. Inaad tahay dal ka soo bixi kara heshiisyada lala galo. Ciddii meel lacag gashanaysaa, waxay qorshaysaa inay lacagtaa iyo faaidadeeda muddo dheer ku soo ceshato, markaa waxa lagama maarmaan ah in dalkaasi heshiiskii fulinayo, xukunka dalku intuu doono ha is beddelee. Mar walba dawladdii xukunka qabataa waa inay ilaalisaa heshiisyadii lagu galay magaca dalka. Sidaasuu dalku ku noqonayaa dal la aamini karo, uu ku helayaana maalgashi sokeeye iyo shisheeyaba.

Dalkeena Somaliland, Allah maxaa uga baahi badan in la helo cid maalgashata, oo shaqo u abuurta dhallinyaradeena. Laakiin xukuumadda Muuse Biixi siday ula dhaqmaysaa dadkii maalgashaday dalkan?

Waxyaabaha waawayn ee lagu ammaano xukuumaddii Siilaanyo waxay ka mid ahaa inay dhiirri gelisay maalgashiga dalka. Waxay heshiisyo la gashay shirkado caalamiya iyo kuwo waddani ah iyo shaqsiyaad Somalilander ah.  Bal heshiisyadaa qaarkood aynu ka hadallo iyo faaiidada laga helay iyo cahdigii lala galay sida uu ku dambeeyey, sida dunidu u aragtay iyo sawirka laga qaatay Somaliland.

  1. DP world heshiiskii dekedda Berbera iyo Wadiiqada Wajaale (waddada yar ee Berbera lagu xidhayo Xuduudda Itoobiya). Shirkaddaa oo dalka boqolaal milyan gelinaysa. Heshiis indhaha dunida soo jiitay ayuu ahaa. Somaliland-na ku muujay khariidadda dunida. Waxa aad uga hinaasay, intii karaankooda ahna ka dagaallamay dawladda Somalia, wayse ku ilko beeshay.

  2. Heshiiskii shirkadda muwaadinka Somaliland ee ina Aw Siciid. Waxa lala galay heshiis 30 sano ah (shirkadaha waxay dalalku la galaan muddooyin dheer sida 30, 50, 100 sano, inta badanna muddo aan xaddinaynba) Waayo, shirkaddu dalka lacag badan bay gelinaysaa, waa inay muddo dheer heshaa si ay lacagtaa dib ugu soo ceshato.

    Ina Aw Siciid xadhkaha internetka dunida ayuu ka soo jiiday Jabuuti, wuxuu soo mariyey dhulka hoostiisa, dalkeena oo buuraleey ah oo juhdi badan iyo maal badan ku baxayo sidii loo qodi lahaa. Xadhkihii (internet) wuxuu gaadhsiiyey dalka oo dhan, Somaliland-na ku xidhantay markii ugu horraysay dunida.

    Wuxuu geliyey dalka boqollaal milyan, dal yar oon aqoonsi haysan, oo aan sharci adag iyo kala dambayn lahayn. Hase yeeshee jacaylka waddaninimo ayaa indha tiray iyo hammiga sare ee isaga iyo Siilaanyaba lahaayeen. Markuu xukunka Muuse qabtay, aroor uumbuu soo toosay isagoo cadhaysan oo intuu heshiiskii jeexjeexay guddaafadda ku riday, dabadeedna amar siiyey baarlamaanka. Baarlamaankan hadda waqtigiisii dhammaaday oo noqday mid ay madaxtooyadu u taliso. Saacad gudaheed ayay ku ansixiyeen cadhadii Muuse oo sharci ka dhigeen.. Saxaafadda dunida badankeeda (kuwa xiiseeya Somaliland) ayaa arrintan si faahfaahsan uga hadlay. Waxay tilmaameen inayna ahayn Somaliland meel la maalgashan karo, lacagtaada ha ku aaminin ayay hadal ku gunaanadeen.

  3. Heshiiskii fly dubai. diyaaraddan oo dunida ku xidhay Somaliland, lagana raystay diyaaraddii Itoobiya ee kootada ku haysatay Somaliland, iyadoo lacag xad dhaaf ah tikidhadeeda kaga iibisa muwaadiniinta Somaliland. Flydubai iyo Alcarabiya ayaa lagu nafisay. Waxa kale oo shaqooyin ka helay dhallinyar badan oo xafiisyo_tikidh Hargaysa ka furtay. Muuse heshiiskii wuu ka baxay, diyaaradihiina dalka wuu ka joojay, isagoo ku eedeeyey inay Somalia ka qaateen oggolaansho ay Hargaysa ku yimaaddaan. Oo Somalia soo officially masuul kama aha hawada Somaliland. Kaaga darane Somaliland soo may oggolaan in maamulkii hawada ee Nairobi ee UN-tu maamulaysay in Xamar lagu wareejo. Haddayna diyaaraddu Xamar ku soo horraynayn ee Hargaysa toos u imanayso, maxaa innaga galay ogolaanshaheeda Somalia. Suuragal ma tahay inayna Ethiopian airlines oggolaansho ka haysan Somalia?

  4. Heshiisyadii Somaliland maalqabeenka la gashay waxa ka mid ahaa kii daabacadda buugaagta dugsiyada dalka 2016kii ee lala galay shirkadda HEMA. Iyadoo dawladdu ayna lacag iyo awood madbacadeed oo ay ku daabacdo buugaata iskuulada lahayn. Dad Muwaadiniin Somalilander ah ayaa maalgeliyey oo keenay madbacado heer sare ah, oo  ka haqab tiray buugaagta dalka. intii ka horraysay heshiiska (2016) waxa buugaagta lagu soo daabici jiray Nairobi, waxana lala baryi jiray UNICEF, UNESCO iyo hay’adaha gargaarka ee dalalka Yurub iyo Canada. Waxana Somaliland lagu xidhi jiray shuruudo adag oo ah fara-gelin manhaj dalka iyo wixii carruurteena loo dhigayo. Tusaale ahaan waxa Somaliland lagu qasbay inay manhajka ka ilaaliso taariikhda SNM, aan laga hadal xusuuqii dalka ka dhacay iyo wax kasta oo wiiqayaya la midowga Somalia oo tarriikhi ah iyo xaqiiqooyin dhacay, in lagaga ilaaliyo buugaagta carruurteenna lagu barbaarinayo. Somaliland inkastoo ayna weli manhajkii UNESCO u dejisay beddelin (karti la’aan iyo maamulxumo xagga wasaaradda ka jira awgeed) haddana markii u horraysay ayay xagga buugaagta ka madax bannaanaatay oo ay noqotay dal isku tashada. Shalayna shir jaraaid oo wasaaradda waxbarashadu qabatay ayay ku qireen xaaladda adag ee HEMA kala soo dabbaaladday dalka. Hema maalgelin wayn ayay ka samaysay dalka gobollada oo dhan ayay ka furatay qaybo iyagoo isku hallaynaya heshiiskii ay la galeen dalkooda.

    Maxaa helay heshiiskii HEMA? Dorraad ayuu Muuse soo toosay isagoo qadhaadhaysan, wuxuu u yeedhay wasiirkiisa waxbarashada oo isna ah mid jaajaale ah oo shirarka jaraaid sharciyo ku dejiya sharciyo aan soconayn (waa ninka shir jaraaid intuu qabto ku dhawaaqa sharciyo cusub oon la hergelin karin, sidii shirkii jaraaid ee uu yidhi dugsi Quraan dambe ma jirayo, Quraankiina dawladdaa la wareegtay!!). Muuse iyo wasiirkiisu waxay yidhaahdeen heshiiskii HEMA waan ka baxnay. Ku lahaa annagaaba buugaagta hadda ka dib daabacayna, dabadeedna ardayda ka iibinaynaa. Waxa la ogyahay madbacadda Qaranka (waa magac u yaal) inayna awood iyo aqoon u lahayn inay buugaagta dalkoo dhan daabacdo. Tolow ma Kenya ayaa dib loogu celinayaa manhajka dalka, ma heshiisyadii Kenya u la galay, markii uu Muuse booqday, ayay ka mid tahay?

  5. Waxa kaloo jiray heshiisyo kale oo dadyow fara badan dawladdii Siilaanyo la gashay, hase yeeshee Muuse uu kaga baxay. Nabigeennii Salaani korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi calaamadka munaafaqa waxa ka mid ah: Saddex: hadduu sheekeeyo, been buu sheegaa. Hadduu ballan galo wuu ka baxaa. Haddii la aamino wuu khaayimaa. Waa xadiis ku yaal saxiixu Mulim. Waa halka Soomaalidu ka keentay maahmaahda ah: Ballan darro waa diin darro. Anigu ma lihi Muuse, shaqsiyan, waa munaafaq laakiin xadiisku wuxuu sheegay in ballan ka buxu ka mid yahay calaamaadka munaafaqnimo.

    Heshiiska waddan lala galo, madaxwayne kasta oo yimaad wuxuu ku qasban yahay inuu ilaaliyo, illeen shaqsiga madaxwaynaha ah, heshiiska lalama gelin ee waxa lala galay dalka. Sidaasaa dalka lagu aaminaa laguna maal gashadaa. Markaa madaxwayne Muuse Biixi Somaliland wuxuu ka dhigay dal aan shilin lagu aamini karin, markaa halkaasaa lagu waayay maalgashi shisheeye. Muwaadinkuna sida qayrkii loogu xiiray wuu arkayaa.  Maalin dhowayd oo uu ka hadlayay Muuse kulan uu la lahaa madaxda xisbiyada kale ayuu yidhi: Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada dalka inay maalgeliyaan waddada Hargaysa – Burco!!!!!!!! Maalintaa maalintii ku xigtayna wuxuu ka baxay heshiiskii maalgashi ee HEMA. Maxaa la yidhaa qofka qawlkiisa iyo ficilkiisu is khilaafaan? Hadda Mucaaridkana ha ka filan inay Muuse ka duwan yihiin! waayo kamay hadal arrintii Ina AW Siciid, oo madaxwaynaha ayay u mashxaradayeenba.  Heshiisyadii kale ee muwaadiniinta lagaga baxay, sidii kuwii diyaaradaha, mucaaridku madaxwaynaha wuu ku hambalyeeyey, iyadoo la qabiileeyey dadkii wakiilka ka ahaa diyaaradaha. Arrintan HEMA ha ka filan in cidi juuq ka daba tidhaa madaxwaynaha.

Fiiro gaar ah: Madaxwaynaha iyo hoggaamiyayaasha mucaaridku inay yihiin munaafiqiin Ilaahay baa innaga og, laakiin xadiiska Rasuulku wuxuu caddeeyey waxyaabaha lagu garto munaafiqiinta. Markaa qofku hadduu isku arko sifooyinkaa waa inuu towbad keenaa oo iska suuliyo tilmaamahaa foosha xun.

Wa Billahi Tawfiiq,

Ayanle Amir Bidde