Muuse Biixi oo magacaabay Guddoomiyaha Maroodi-jeex ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddiga Fulinta ee Gobolka Salal

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muue Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha maanta oo uu ku magacaabay shan xubnood oo noqon doona Guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal oo uu Guddoomiye u yahay Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle.

Digreetadaasi oo dhammaystiranina waxay u qornayd sidan;

“Ref. No: XK/XGX/0042220/2016

October 24th, 2016

Ku: Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle = Hargiesa =

Ku: Cawaale Xasan Aadan = Hargiesa =

Ku: Maxamed Xaamud Cismaan = Hargiesa =

Ku: Cali Isaaq Ibraahim = Hargiesa =

Ku: Mako Cilmi Sheer = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer Gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

  1. Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  2. Cawaale Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  3. Maxamed Xaamud Cismaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  4. Cali Isaaq Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  5. Mako Cilmi Sheer – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

Magacaabista Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muue Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha maanta oo uu ku magacaabay labadaas masuul waxay u dhignayd sidan;

“Ref. No: XK/XG/0042219/2016 October 24th, 2016

Ku: Maxamed Iid Dhimbiil = Hargiesa =

Ku: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

Kadib markii aan shirar iyo wadatashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

  1. Maxamed Iid Dhimbiil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex.

Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.