MUUSE BIIXI VS FARMAAJO: Laba Hoggaamiye oo Aragtiyo kala Duwan ka aamisan Awoodda Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo Midho-dhalka u soo Baxay

0

Hargeysa (Berbera News)- Axmed Rashiid oo ku magac-dheer Akram Cabdalla oo ka mid ah Dhalinyarada Somaliland ee Hibada u leh Hal-abuurka Qoraalka, ayaa qormo laba bog ah ka diyaariyey Is-barbar dhig uu ku sameeyey Afkaarta ay awoodda ay warbaahintu leedahay ka aamisan yihiin Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Midho-dhalka ka soo baxay Kala duwanaanshiyaha afkaareed ee awoodda Saxaafadda.

Akram Cabdalla waxa uu qormadiisa ku bilaabay sida tan:-

“Labada madaxweyne ee xilligan ka taliya labada dal ee Somaliland iyo Somalia (Muuse iyo Farmaajo) waxa labadoodaba xilka madaxtinimo loo dhaariyey sannadkii 2017-kii, walow labada madaxweyne lagu soo kala doortay labada doorasho oo mid tahay Cod Shacab iyo midna tahay Xulashada Xildhibaano lagu soo xulay.

Qaabka ay xukunka ku yimaadeen marka laga yimaaddo, Wallow ay aad ugu kala duwanaayeen maraaxilka ay labada dawladood ku kala sugnaayeen, ogaalkaygana laga dharagsanyahay duruufaha dhinacyada badan ee ay labada waddan ku kala taggan yihiin, haddana xukuumad waliba hawsheedii u horaysay meel buu ka bilowday.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi tallaabadeedii u horaysay waxay si cad dagaal hoose ugu qaaday saxaafadda  iyo dhammaan war-baahinta madaxa-bannaan, iyadoo oodda u rogtay ilihii warbaahinta dalka oo ahaa Wargeysyadii kasoo bixi jiray Hargeysa oo xilligan Afar ka mid ah oo qaarkood muddo saaxada ka maqnaayeen kasoo baxaan iyo warbaahinta Mareegaha (Websites) oo xawli ku socotay oo la laciifiyey, waxaana  jiray sheekooyin xan ah oo sheegay in shirar hoose xukuumadda Biixi durbadiiba ka yeelatay xilligaas sidii loo hakin lahaa idil ahaan warbaahinta, ficilkaasina wuu u hir-galay xukuumadda Biixi marka dib loo eego afar sannadood kadib.

Sida la wada ogsoonyahayna warbaahinta Somaliland waxay aad u xoogaysatay cahdigii xukuumaddii Siilaanyo, waxa laga dharagsanyahay in dhammaan saxaafadda, baraha bulshada iyo warbaahintuba xawaare sare ku socdeen, meeqaam sarena gaadheen, awoodna u yeesheen inay la tartamaan warbaahinta dunida, iyagoo taakulo iyo tabantaababa ka helayey xukuumaddaas.

Balse Madaxweyne Farmaajo wuxu lid ku ahaa falkaas ay ku kacday xukuumadda Biixi.

Farmaajo, ugu horrayn, wuxuu culayska saaray sidii uu u kobcin lahaa warbaahinta, sidii uu u heli lahaa suxufiyiin uga hawl-gala waddamo badan oo ay Somaliland ugu horayso, wuuxuna dhaqaale, taakulo iyo taageero culusba siiyey bahda warbaahinta Somalia, taas oo u samaaxday inuu ku guulaystay inuu helo tabiyayaal u baahiya war kasta oo isaga dan u ah. Waxaad mooddaa in Farmaajo fursad weyn ka helay halkaa.

Natiijada ka dhalatay tallaabooyinka ay qaadeen labada xukuumadood, waa ta qarisay wanaagga Somaliland isla markaana qurxisay foolxumada Somalia.

Markii la ogaaday awoodda warbaahintu leedahay, dhammaan Dunida casriga ah, waxa xooggaystay Waraabinta Online-ka ee Websiteyada, kuwaas oo muddo kaddib markii ay soo shaac-baxeen Baraha Bulshada (Social Media ) iyagu la jaanqaaday. Waxa soo baxday in Social Media noqdeen baraha sida khaaska ah ay bulshadu u adeegsato, balse waxa abuurmay cabsi weyn oo ay dunida oo dhan ka dhigeen waxyaabaha lagu baahinayo ee bulaa xuduuda ahi kuwo kahatar gelinaya amniga, dhaqanka iyo xadaarada Bulshada ama bulshooyinkaiyo xataa nidaamyada dawladaha. Sidaa awgeed markii la ogaaday khatartooda iyo in aannay jirin wax raad-raac ah oo ay leeyihiin, waxa lama huraan noqotay in la ilaaliyo oo la tayeeyo warbaahinta Online-ka ee Websiteyada oo iyagu ah deggelo yeelanaya raad-raac iyo kayd xogeed (Archive). Sidoo kale, waxa la ilaaliyay si aanay meesha uga bixin warbaahinta Wargeysyada, kuwaas oo loo arkay in ay yihiin lagama maarmaan.

Sida aniga iyo dad badan oo kale aaminsannahay, xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo garawsan awoodda warbaahinta oo loo adeegsado danaha guud iyo kuwa gaarka ahba, waxay garawsanayd ahmiyada ay warbaahinta casriga ee Websiteyada iyo Wargeysyadu u leeyihiin horumarka qaranka, dhinacyada dimuqraadiyadda, meel marinta qadiyadda iyo qaranimada Somaliland, taas ayaana kala weydnayd dano gaar ah oo muddo kooban ku kooban.

Hase yeeshee, markii ay xukuumadda Madaxweyne Muuse xukunka la wareegtay , waxay dagaal dadban ku qaaday warbaahinta waxaana istaagay dhammaan wargeysyadii kasoo baxayay Somaliland oo ay subax walba bulshada Somaliland indhaha ku kala qaadi jireen, sidoo kale waxay diciifisay awooddii warbaahinta Online ee Mareegaha Wararka, taas oo lumisay miisaankii ay Somaliland ku lahayd adduunka oo laga dareemayo maanta in warbaahinta Villa Somalia ka horeyso, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Biixi culayska saaren sheekooyinka madhalayska ah ee Facebook, waxaana doorkii qaranka ee warbaahinta kala weynaaday ammaan aan meel jirin oo carruuraha loo dhiibo si ay Facebook usoo dhigaan iyo sheekooyin kale oo ceeb ku ah qaranimada iyo nidaamka dal dimuqraadi ah.

Guntii iyo Gebo-gabadii, waxay in badan oo Bulshada ka mid ah is weydiinayaan Sidee ayay macquul u tahay in xukuumad la Ilaaliyo Villa Somalia, islamarkaana tahli wayday inay dalkeega u taliso, kana mid ah waddamada ugu taagta iyo tamarta yar adduunku, ay uga hadal-hayn iyo saamayn badatay waddan nabdoon, xasiloon, ka madax bannaan oo awood ciidan iyo mid shicibba leh, kana hana-qaadday dimuquraadiyad heerkeedu Sarreeyo?”