Waxaan qallinkayga ku eegi doonnaa maqaal kooban oo ku saabsan ciwaanka kor kuxusan, balse murti ahaan macno badan leh, wakhtigan maanta ahna muuqaalka waddankeenna iyo muwaadiniintiisa waxtar u noqon karaya. Araarta yaan ku dheeraane bal aan murtiddiisa u daaddego.
Ugu horey nwaxaaynu isweydiinaynaa su’aalahan soo socda kadibna waxaynu ka bixin doonna jawaabo waafi ah.
Cabdicasiis Maxamed Seed
1.Waa maxay muwaadinimadu?
Waa aqoonsi uu qof kahelo dal islamarkaana u noqonays alambar aqoonsi oo sharci ah.
Muwaadinaddu waxa ugu weyn ee qof ka helo dal unna noqonaysa aqoonsi uu dalkaas ku jooogo. Waanna in ka bada nhal dal waanna lag la laaban karaa muwaadinimadaas.
Muwaadinku waa qof asal ahaan dalkaas ku joogga saddexdan siyaabood midkood,
Jinsiyadahaan: waa dhaxal ka yimaada waalidka gaar ahaan isirka aabaha lagama laaban karo wanna hal dal.
Dhalashoahaan: waa nidaam waafaqsan warqada dhalasho sharciga ah ee dal wanna lagala laabankarraa.
Diwaangelinahaan: waa hab ku imanaya marka qofka la diwaangeliyo isagoo markasta haysta warqaddaha sharci ee dal kugalka
Xuquqdamuwaadinimada
Xuquuqda asaasiga ee nololeed
Dhaqdhaqaqa xoriyadda iyo hadalka
Xaqa cod bixinta
Iyo xuquuqda sharafta
Musuuliyadamawaadinimada
Ixtiraam kasta ama qaranka
Calanka qaranka
Heesta calanka
Maalinta qaranimada
Difaacidda qaranka
Iyo madaxweyaha
Adeecida sharciga iyo kala dambeynta
Bixinta cashuuraha iyo wakhtigoodda
Intaas kooban waxan kusoo afmeerayna ama macnaha muwaadinimada iyo marxaladaha ay marto
Waxahadda u daadegi donna macnhana siyaasada iyo doorkeedda.
Asalka siyaasada iyo macnaheedda :Asal ahaan waa eray giriig ah maanta laga jooggo xiligii ay soo baxday kalmaddas i2800 oo sannaddood) NebiCiise(Cs) hortii; macnaheedduna waxa weeye
Habka loo maamulo hirgelinta awooddeed iyo horumarinta dal
Habka loo xaliyok hilaafadka dalka
Aragtiyo kala duwan oo koox waliba yool ka leedahay hogaaminta dalka balse ka midaysan danahaguud ee qaranka
Sifayntasiyaasada
Siyaasadda rasmiga: waa hawlgalka dastuuriga ah ee xukuumadda iyo nidaamyada guud ee dalka, sida siyaasadda guud oo kala ah arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda
Siyaasadda aan rasmiga ahayn : waa mid la fahmi karo mar kasta, maxaa yeeley waa mid meelkasta ah oo aan yool lahayn