Muxuu Sheekh Aadan-Siira kaga Jawaabay Eedaymihii Xil. Xasan Shahar?

0

 

Hargeysa (BerberaNews)- Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siira), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo dhawaan eedaymo u jeediyey Sheekha oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland.

Xildhibaan Xasan Shahar oo isagu ka jawaabay dhaliilo uu Sheekh Aadam ku duray Goleyaasha Deegaanka ee dalka, ayaa sheegay in maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa ugu yabooheen Sheekha dhul bannaan oo sida uu sheegay ay kaga qayb-qaateen kharashka Qalliin caafimaad oo Sheekhu u tagay dalka Dibaddiisa.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Sheekh Aadan-Siira ugu jawaabay Xildhibaan Xasan Shahar