Muxuu yahay dalabka Daliban u dirtay Turkiga?

0

Ankara (Berberabews) – Kooxda Taalibaan, ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milateriga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan August.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Turkish ah, codsiga ay shuruuddu ku xidhantahay ee Taalibaan oo imanaya kadib markii ay dib ula wareegtay xukunka Afghanistan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigan qaadashada go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqadan halist ah, haddii ayna ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Turkiga, ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, welina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, balse saraakiisha ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Laakiin xukuumadda Madaxweyne Erdogan, ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kadib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas.

“Taalibaan waxay codsatay taageero farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yidhi sarkaal sare oo Turkish ah, isagoo raaciyay “Si kastaba ha ahaatee in Taalibaan ay dalbato in dhammaan ciidamada Turkiga ay baxaan waxay adkayn doontaa hawl kasta oo fulin u baahan”

Ma cadda in Turkigu oggolaan doono inuu bixiyo kaalmo farsamo haddii ayna ciidamadoodu halkaas u joogin si ay u sugaan ammaanka.

Turkiga, ayaa ammaanay waxa ay ku tilmaameen hadallada dhex-dhexaadka ah ee Taalibaan tan iyo markii ay qabsadeen Kabul, waxayna sheegeen inay u furan tahay inay la shaqeyso marka dowlad cusub la dhiso.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa Salaasadii sheegay in kooxdu ay xidhiidh wanaagsan la yeelatay Ankara.

REUTERS