Nairobi: Dad Kor Udhaafay Ilaa 1000 Ruux Oo Boliska Ka Qabtay Xaafadda Islii Ee Ay Somalidu Degantahay

0

Nairobi (berberanews) – Boliiska Kenya ayaa sheegay inay dad kor u dhaafaya 1000 ruux ku soo xidheen howlgalka ka socda Islii oo ay dadweynaha ku tilmaameen kii ugu ballaadhnaa tan iyo qaraxii halkaas ka dhacay maalintii Isniinta.

Kenya-3

Dad hor dhoobnaa xarunta boliiska Pangani ee xaafadda Islii ayaa sheegay inay bixinayeen lacago si loo sii daayo ehelladooda xidhan.

Boliisku waxay sheegayaan inay sii wadi doonaan howlgalka intay ka soo qabanayaan dadkii masuulka ka ahaa qarax ka dhacay xaafadda Islii oo ay ku dhinteen 6 ruux tiro kor u dhaafayso 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhaawacmay tiro ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen qaraxaas.

Boliiska ayaa qaraxa ka dib billaabay howlgal ay ku sheegeen inay ku qabanayaan dadka ka dambeeyay weerarkaas. Balse dadka xaafadda ayaa sheegay in boolisku ay dadka ka qaadanayaan laaluush.

Kenya waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weerarro is daba joog ah tan iyo dabayaaqadii sanakii 2011-ka, xilligaas oo ay ciidammada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland