Namibia: Siyaasi ay isku magacyihiin Adolf Hitler oo caalamka soo jiitay

0

Namibia-(Berberanews)-Siyaasi reer Namibia ah oo loogu magac daray Adolf Hitler ayaa sheegay inaanu qorsheyneynin inuu adduunka maamulo ka dib markii uu ku guuleystey doorashadii deegaanka.

Adolf Hitler Uunona ayaa todobaadkii la soo dhaafay loo doortay xildhibaanka deegaanka Ompundja.
Wareysi uu siiyay wargeyska Jarmalka ee Bild, wuxuu ku adkaystay inaanu “wax shuqul ah ku lahayn” fikirka Nazi-ga.
Adolf, sida magacyada kale ee Jarmalka ee ugu horeeya, kuma cusba dalka, oo mar gumeystaha Jarmalka ahaa.

Waxaa loo doortay xisbiga talada haya ee Swapo, kaasoo hogaaminayay ololaha ka dhanka ahaa xukunkii gumeystaha iyo cadaanka tirada yar.
Mr Uunona wuxuu qirtay in aabihii uu ugu magac daray hogaamiyihii naasiga, laakiin wuxuu yidhi “malaha ma fahmin waxa uu u taagnaa Adolf Hitler”.
Mr Uunona, oo ku guuleystey kursigiisa 85% codadkii la dhiibtey ayaa yidhi “Aniga oo caruur ah waxaan u arkey magac guud gebi ahaanba.”

“Ilaa aan ka weynaaday ayay ahayd markii aan xaqiiqsaday: ninkani wuxuu doonayay inuu dunida oo dhan hoosgeeyo, ”ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay. “Waxba kuma lihi waxyaalahaas midkoodna.”
Mr Uunona ayaa sheegay in xaaskiisa ay ugu yeedho Adolf oo magaca shacabka u yaqaanaan, isla markaana aanu qorsheyneynin inuu badalo.