Nigeria oo ciidamo u soo dirtay dalka Somalia

0

MUQDISHO-(Berberanews)-Magaalada Muqdisho waxaa soo gaadhay ciidamo ka socda booliiska dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika kuwaasi oo sida uu hawlgalka AMISOM sheegay joogi doona muddo hal sano.

Ciidamo Nigeria waxay qeyb ka noqonayaan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM u jooga magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo u badan saraakiil tiradoodu waxay gaadhaysaa 144 xubnood taageero siin doona ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali  ayaa sheegay in 30 askari  qeyb ka ah ciidamadan cusub ee soo gaadhay magaalada  la geyn doono  magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Horay waxaa dalka u sii joogay ciidamo fara badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo dowladda Soomaaliya gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka Al-shabaab.