Nigeria: Xasuuq Bahalnimo oo lagu dilay in ka badan 100 ruux oo beeralay ah

0

Nigaeria-(Berberanees)-Xasuuq “argagax leh” oo lala beegsaday beeraleyda waqooyi-bari Nigeria ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan 110 qof.

Dilalkan ayaa ka dhacay galinkii hore ee maalintii sabtida tuulada Koshobe iyo dadka kale ee reer miyiga ah ee ku nool ismaamulka Jere oo u dhow magaalada Maiduguri, oo ah caasimada gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Borno.

“Rag hubaysan oo mootooyin watay ayaa horseeday weerar arxan-darro ah oo lala beegsaday rag iyo dumar rayid ah oo guranayay beerahooda,” Edward Kallon, isku duwaha gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee Nigeria ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii.

“Ugu yaraan 110 qof oo rayid ah ayaa si naxariis daro ah loogu dilay weerarkan, qaar badan oo kalena waa lagu dhaawacay,” ayuu raaciyay, isagoo xusay in dhowr haween ah la rumeysan yahay in la afduubay.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, oo xafiiska qabtay 2015 isagoo balanqaaday inuu hagaajin doono qalalaasaha amniga, ayaa cambaareeyay xasuuqii ugu dambeeyay.
“Waxaan cambaareynayaa dilka beeraleydeena dadaalka badan ay ku dileen argagixisada gobolka Borno. Dalka oo dhan ayuu dhaawacay dilalkaan macno darrada ah, ”ayuu yidhi madaxweynaha oo adeegsanaya afhayeenkiisa.

Berberanews.com, info@berberanews.com.