Nin dhiisha faqriga tuuray markii dhagax macdani samada uga soo dhacay

0

Nin u dhashay dalka Indonesia oo magaciisu yahay Mr. Josua Hutagalung, da’diisuna tahay 33 sanno jir, ayaa dhiisha faqriga tuuray, kadib markii Ilaahay (SWT) uu samada uga soo tuuray dhagax macdan ah oo lagu qiimeeyey lacag dhan £1.4 milyan oo giniga Ingiriiska ah, una dhiganta $1.8 milyan oo doollar.

Sida saxaafadda caalamku baahisay ninkan reer Indonesia oo xirfaddiisu tahay samaynta najaxyada maydka lagu qaado, waxa aqalkiisa dusha sare kaga soo dhacay dhagax macdan nooca loo yaqaan Meteorite, kaasoo soo dalooliyey qayb ka mid ah saqafka guriga, iyadoo meelo badan laga maqlay sanqadha dhagaxaas macdanta ah.