Nin gaadhi ku weeraray dad ku tukanayay masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London

0

London-(Berberanews)-Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii gaadhi ladulmariyay xalay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Dhacdadan ayaa boolisku ay ku tilmaameen shil aad u weyn.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaadhi si qasab ah loo jiidhsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Adeega gawaadhida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka.

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

Xigasho Bbc Somali