Nin mucaarida Moscow oo lagu xidhay Ruushka

0

Moscow(Berberanews)-Hoggaamiyihii mucaaridka Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila Kremlin ee Ruushka ayaa la xidhay ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sun loo adeegsaday.

Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baadho baasaboorada ee garoonka.

Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.

Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushka.

Blasé waxaa edeyntaasi iska fogeeyay aqalka Kremlin ee looga arrimiyo dalka Ruushka.