Norway: Nin ku hubaysan leeb iyo qaanso oo dad badan laayay

0

Norway-(Berberanews)-Nin ku hubeysan qaanso iyo Leeb ayaa ku dilay shan qof labo kalena dhaawacay magaalada Kongsberg ee koonfur -bari Norway, sida ay sheegeen booliiska deegaanka.
Eedeysanaha ayaa la xidhay, boolisku wuxuu sheegay, laakiin in sababaha ka dambeeya weerarrada Arbacadii ayaan weli caddeyn.
“Ninka ayaa la qabtay… xogta aan hadda hayno, qofkani wuxuu sameeyay falalkaan kaligii,” taliyaha booliska Oyvind Aas ayaa wariyeyaasha u sheegay.
Sida laga soo xigtay booliiska, tuhmanaha ayaa ku wareegay magaalada dhexdeeda isagoo dadka ku tooganaya fallaadho. Booliska Norway ayaa sheegay in ay baari doonaan in weerarkaasi uu ahaa fal argagixiso iyo in kale.
“Marka la eego sida ay dhacdooyinku u dhaceen, waa wax dabiici ah in la qiimeeyo in kani yahay weerar argagixiso,” ayuu Aas ku sheegay shir jaraa’id.
“Ninka la xiray lama waraysan oo waa goor hore in wax laga sheego ujeeddooyinkiisa.”
Raiisel wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in wararka ka imaanaya Kongsberg ay yihiin “wax laga naxo”.
“Waan fahamsanahay in dad badani ay baqayaan, laakiin waxaa muhiim ah in bilaysku hadda gacanta ku hayo,” ayuu Solberg u sheegay shir jaraa’id goor dambe oo Arbacadii ah.
Weerarada ayaa ka dhacay “aag ballaadhan” oo ka tirsan Kongsberg, oo ah degmo ay ku nool yihiin ilaa 28,000 oo qof, sida ay booliisku sheegeen.