Laascaanood-(Berberanews):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa maanta Xubno ka tirsan Culimada gobolka Sool Kulan kula qaatay xarunta gobolkaas ee Laascaanood, kaas oo ay kaga wadahadleen qodobbo muhiim u ah horumarinta Diinta Islaamka.
Culimada Gobolka Sool iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland 2019
Waxay Agaasimaha iyo Culimada Reer Sool ka wadahadleen midaynta Eedaanka Salaadaha, kor u qaadista Shaqada Hay’adda Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista gobolkaas oo fadhigeedu yahay magaalada Laascaanood iyo xoojinta barashada Diinta oo ay Wasaaradduna dedaal ugu jirto.
AGAA
Culimadu waxay uga mahad-celiyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka Wasaaraddaasba Shaqada hufan ee horumarinta iyo ilaalinta Diinta Islaamka ee ay ku hawlan yihiin iyo sida ay isugu wadaan Culimada dalka, una xaddideen khilaafaadka Diiniga ah.
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DIINTA IYO CULIMADA GOBOLKA SOOL LAASCAANOOD 2019