Nuxurka kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Iskaashiga Denmark

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark Christian Friis Bach, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada waddan, nabadgelyada Somaliland muhiimadda ay ugu fadhido Geeska Afrika iyo qodobbo kale oo door ah.

Wasiirka Iskaashiga iyo horumarinta dawladda Denmark oo maanta booqasho shaqo ku yimi Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku qaabbilay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga wadahadleen qodobbo muhiim ah. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay qasriga oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu warkaasi u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyoHorumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku yimi.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta ee dalka DenmarkChristian Friis Bach ayaa sheegay in Somaliland ay ku ammaanan tahaydeganaanshaha iyo xasiloonida ay samaysay, isla markaana uu muuqdo doorka ay kaqaadan karto arrimaha Geeska Afrika, dawladdiisuna ay diyaar u tahay inay siixoojiso kaalmada ay siiso Somaliland, si taasi wax uga tarto nolosha aadamaha,gaar ahaana dhinacyada arrimaha bulshada, Wasiirku waxa uu ku dheeraaday heerkaay Somaliland ka gaadhay horumarinta iyo dimuqraadiyada iyo ammaanka, xilli aySomaliland ku dhex taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay, taasoo uu sheegayinay caalamad u tahay inay sii xoojiyo waxtarka ay u gaystaan dalkan.

Mr. Christian Friis Bach ayaa sheegay in dawladdiisu Denmarkay hadda xafiis farsamo ka furanayso Somaliland, Madaweynahana ay ka wadahadleen sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaaga iyo hagaajinta noloshabulshada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa tilmaamay inay Somaliland ahaan ku faraxsan yihiin booqashadaweftiga reer Denmark, isagoo xusay Denmark ay ka mid tahay wadamada Somaliland kataageera dhinacyada arrimaha bulshada. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uusheegay in Denmark ay tahay dal ay Somaliland saaxiib yihiin, kaalin wayna ugujirta, isla markaana waxyaabihii ay weftiga ka wad hadleen ay u badnaayeen siixoojinta xidhiidhka labada dhinac.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.