Nuxurka kulan Madaxweyne Silaanyo isugu yeedhay Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Qaranka

0

Hargeysa (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan ballaadhan oo wadatashi ah xarunta Madaxtooyada kula yeeshay xalay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.

Kulankan oo ahaa mid saxaafadda ka caaggan, isla markaana uu hindisihiisa lahaa Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida la sheegay waxa si mug leh looga wadahadlay qorshe Madaxweynuhu u bandhigay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran oo ku saabsan sidii talo midaysan looga yeelan lahaa difaaca qarannimada Somaliland, ka hortagga shirqoollada kooxaha cadowga ee afduubay shirkii Taleex iyo ajandayaasha Somaliland la hortegayso shirweyne caalami ah oo dawladda Ingiriisku ku martiqaaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud oo beesha caalamku kaga arrinsanayso xal-u-helidda dhibaatooyinka ka taagan guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Somaliland ka go’day.

Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya oo aanu warkan ka soo xiganay u xaqiijiyeen xalay waxa kulankaas ka qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kaloo xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB – Md. Muuse Biixi Cabdi, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weliba masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin nuxurka doodaha dhinacyada ka qaybgalay isku weydaarsadeen kulankaas iyo natiijada ka soo baxday toona, haddana sida ilahaasi tibaaxeen wadahadal iyo is-xogwaraysiyo dheer oo dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta saddexda xisbi qaran kadib, waxa ay dhinacyadu si buuxda isugu raaceen in mucaarad iyo muxaafidba loo midoobo difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii talo midaysan looga yeelan lahaa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kooxaha cadowgu ku doonayaan inay ku waxyeelleeyeen midnimada dalka, sidoo kalena laga wada tashado tallaabo kasta oo xukuumaddu ka qaadayso qaddiyadda degaannada gobollada bari iyo kooxaha dibadaha kaga soo duulay dalka.

Warku waxa uu intaa ku daray in gunaanadkii kulanka xasaasiga ah ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo qasriga Madaxtooyada kula yeeshay hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran iskula qaateen in maalmaha soo socda inay isugu noqdaan kulan labaad oo loo ballamay inay ka soo baxaan go’aamo wadajir ah oo ku saabsan talooyinka xukuumadda iyo axsaabta qaranku ka yeelanayaan xaaladda gobollada bari ee sugidda xuduudaha dalka iyo ajandayaasha Somaliland hordhigi doonto shirweyne dawladda Ingiriisku magaalada London ku martigelinayso beesha caalamka oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo Ra’iisal-wasaaraha Britain ku martiqaaday Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com