Pep Guardiola: Ma Ogolaan Doono In Chelsea Ay Naga Badiso Champions League.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay in aanay ogolaan doonin in guuldarro ay ka soo gaadho Chelsea marka ay habeenka arbacada ku bookhdaan garoonka Stamford Bridge.

Guardiola oo kooxdiisa ay difaacanaysa Champions League ayaa lugta hore u safri doonta London, waxaana uu sheegay inuu ka warqabo kubada xooga ku dhisan ee ay ciyaari karto kooxda Blues.

“Miyaan ka walwalsanahay kubada xooga ku dhisan ee Chelsea? Maya, kama walwalsani, waan u bartay” ayuu Guardiola u sheegay Sunday Mirror.

“Waxaan leenahay awooda maskaxeed ee aan ku koontarooli karno xalaada. Waa muhim inaan heysano awoodaas”

“Ciyaartoydeyda Barcelona waa ay ka warqabaan xaaladaas. Sidoo kale waxa ay ogyihiin hadii la inagala badiyo semi-finalka, ka dibna Real Madrid ay naga badiso sabtida, in xilli ciyaareedkan aan koob weyn la’aan ku dhameysaneyno”

Booqashada London ay ku tagayaan Wiigan ayaa ah bilowga dagaalka ay Catalans u geli doonto Champions League iyo horyaalka.

“Berri waxaan u safri doonaa London si aan isagu diyaarino Wiig adag”

“Waxaan heysanaa labo maalmood ilaa kulanka Chelsea, ka dibna waa inaan u diyaargarownaa Real Madrid”

“Lakiin sida aad ogtahay, waxaan halkaan joogaa afar sanno, waxaana garaneynaa sida loola macaamilo xaaladahan oo kale”

“Waan la qabsanay xalaadahan oo kale. Waana waxa aan baraneynay inaan sameyno afartii sanno ee aan halkan joogay”

“Lakiin haatan tijaabada ugu weyn ayaan galeynaa. Waxaan ciyaari doonaa seddex cisho ama afar cisho kasta. Ka dib kulankii Levante waxaan la ciyaareynaa Chelsea, ka dib Real Madrid, hadana Chelsea mar kale”

“Chelsea waa koox xoogan awood jidh ahaaneed, islamarkaana leh khibrad badan”.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports