Pep Guardiola: Real Madrid Waa Ay U Qalantay Inay Hanato Horyaalka Spain Xilli Ciyaareedkan.

0

Spain (Berberanews Sports):- Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay u qalantay inay hanato Primera Division xilli ciyaareedkan, isagoo intaas ku daray in Barcelona ay sameyn doonto wax aan caadi aheyn si ay u garaacaan Los Blancos.

“Madrid waxa ay u qalmaan inay noqdaan horyaalka Spain sababtoo ah waxa ay uruursadeen dhibco badan. Waa inaan ka fekernaa sidii aan horumar u sameyn laheyn oo aan u garaaci laheyn” ayuu Guardiola ku yidhi shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Inaad garaacdo Madrid kaliya kuma filna inaad tahay koox fiican, waa inaad sameyso shaqo intaas ka weyn. Aad ayay u xoog badan yihiin”

Tababaraha Barca ayaa markaasi ka dib ka hadlay taam ahaanshaha David Villa, isagoo sheegay inuu wadada u soo saaran yahay inuu soo laabto.

“Villa waxa uu u soo ladnaanayaa si fiican. Wax xanuun ah ma qabo, maalin walbana waa uu soo fiicnaanayaa. Aan rajeyno inuu ka qeyb qaato Euro 2012.”.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports