Prof:Gees Oo Ka Sheekeeyay Codsi Marxuun Cigaal Ku Doonayey Midaw Somaliland Iyo Itoobiya Dhexmara- Dharooro Xusuustood

0

Qormada Dharaaro Xusuustood oo xambaarsan qaabkii marxuum Cigaal u mari jiray ictiraaf-raadinta iyo siduu u ruxi jiray dalalka Carabta

Hargeysa (berberanews)- Prof. Maxamed Siciid  Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Somaliland, ayaa  ka xog-waramay qaabkii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal u mari jiray  raadinta aqoonsiga iyo ficilo uu ku ruxi jiray qulluubta dalalka Carabta.

 Marxuum-Cigaal-iyo-aqoonsiga

Prof. Gees, ayaa qormadiisa Dharaaro Xusuustood ee   toddobaadlaha ah,   qaybteeda Khamiista maanta ku  soo qaatay codsi  marxuum  Cigaal sannadkii  1995 u gudbiyey Ra’iisal-wasaarihii Itooobiya Meles Zenawi,  kaasoo ujeeddadiisu ahayd in Somaliland iyo Itoobiya yeeshaan midaw dhinaca siyaasadda ah (confederation)   iyo dareenka Itoobiya arrintaas ka  bixiysay.

Qormadda Dharaaro Xusuustood ee maanta oo qoddobo xiiso badan xambaarsan, waxay u qornayd sidan; “Gabriel Garacia Marquez, oo geeriyooday bishan, waxa uu ahaa qoraa caan ah oo u dhashay dalka kolombiya (Colombia) ee ku yaal Latin America. Waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Suugganta sannadkii 1982, sheekadiisa caanka noqotay ee la yidhaahdo; “boqol sanno oo go’doon ah”, ama   afka qalaad “One hundred years of solitude.’  Waxa loo tarjumay 37 af, waxa laga iibsaday 30 malyuun oo nuqul. Odhaahda kor ku xusun isaga ayaa yidhi. Nolasha ku soo marta inta aad ka xusuusatid iyo sida aad u xusuusatid ayaa ka micno leh, wixii aad ilaawday dee ilawday waxba kuuguma kordhin. Sidaas darted, ila deeho Dharaaro Xusuustood. Waa 26 Maarso 2002 iyo caasimadda dalkaas Itoobiya ee ugu dad, xoolo, dhul, biyo, iyo beero badan Geeska Afrika. Waxan ka mid ahaa wefdi uu horkacayey marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, aniga oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.   Laba jeer oo hore oo kala ahaa 1998  (wasiirka qorshaynta ) iyo 2000  (Wasiirka maaliyadda )ayaan marxuum Cigaal u soo raacay dalkaaas Itoobiya. Waqtiyada waxa Itoobiya inta badan laga hadli jiray wax wada qabsiga dhincyo badan, sida korontada, bankiyadda, dekadaha, waddooyinka, diyaaradaha iyo qunsuliyadaha. Wax badan ayaa ka hirgalay, wax badanina waa dhinaayeen.

Marxuum Cigaal iyo aqoonsiga

“There is always something new out of Ethiopia.” Aniga dhinacayga markasta wax igu cusub ayaan ka ogaadaa Itoobiya.  Waxa marxuum Cigaal noo sheegay in markii uu Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka noqday Wasiirka Kowaad (Prime Minister) inuu hagaajiyey xidhiidhkii ka dhexeeyey Itoobiya iyo ganacsigii iyo isu gudubkii. Waxa uu soo jeediyey in laga fekero nidaam maamul oo la wada samaysto si wax loo wada qabsado sida Midawga Yurub oo kale waqtigaas. Waxa kale oo uu noo sheegay in markii askartu xidhay ee ay la wareegtay talladii dalka uu reerkiisa joogay Jeneefa (Geneva), dalka Iswiserland. Waxa ka war helay Boqor Haile Salasse, kadibna safiirkiisii Jeneefa joogay ayuu amar ku siiyey inuu reerkii u tago oo waxay u baahan yihiin u qabto. Hase yeeshee marwadii Cigaal ayaa markuu safiirkii u tegay ku qaylisay oo tidhi; ‘maxaa xabashi ii soo arkay.’

Waxa jirtay sannadkii 1995 in marxuum Cigaal warqad u qoray Meles Sinawi (Ra’iisla-wasaarihii hore ee Itoobiya) oo uu u soo jeediyey in Somaliland iyo Itoobiya uu dhex maro xidhiidh confederation ahi (Midaw dhinaca maamulka, siyaaasadda khaarajiga, millatariga iyo arrimaha dawladnimo).  Arrintaas markaan weydiiyey diblomaasi Itoobiyaan ah waa uu ii xaqiijiyey, waxase uu igu yidhi; ‘waxa uu Cigaal ku ruxruxanayey dalalka Carabta ee kama dhab ahayn! Mar kalena wefdi reer Israa’iil ah ayaa dalka soo boqday oo magaalooyin badan tegay. Taas oo Carabta diricyada iyo cimaamadaha qaadata ruxruxay. Waxa loo soo dhiibay Madaxweynaha Yemen ee waqtigaas Cali Cabdulla Salax soo jeedin ah waxa aannu idiin ictiraafi karnaa haddii aad sheegataan Jamhuuriyaddii Soomaaliya inaad tihiin idinka oo sidiinaas ah. Marka uu sidaas leeyahay waxa joogay madasha Madaxweynaha hadda ee Yemen Cabdoo Rab Mansuur oo markaas Madaxweyne-ku-xigeenka Yemen ahaa. Hore ayaa loo yidhi; ‘xaglo laaban xoolo laguma helo.’ Hadda  xaglo laaban ictiraaf kuma yimaado ee waxbaa  la dhaqdhaqaajiyaa.

Booqashada Itoobiya ee markan waxa ay ka dambaysay martiqaad iyo diyaarad loo soo diray Marxuum Cigaal. Marxuuunku waa xanuunsanayey, firfircoonidii ma jirin markan. Waxa uu nagu yidhi; ‘aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale iyo Marxuun Cabdullaahi Askar.” Ninkan Sinaawi si cad ayaan ula hadlayaa, haddii aad i raacdaan, isna colkiisii ayaa soo fadhiisanaya, keli ayaan doonayaa inaan ka helo ee maanta iska joogaa.”  Sidaas ayey keligood ku kulmeen.

Marxuumku waxa uu noo sheegay markuu ka soo noqday kulankii aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale innuu ictiraafka Somaliland weydiisday Meles Sinawi iyo xukuumadiisa. Waxa uu u sheegay in Meles arrintaas la qaatay, hase yeeshee uu ku yidhi; ‘horta arrinta ayaan u soo sheegayaa madaxweynayaasha Koonfur Afrika iyo Nigeria ee Mbeki iyo Obasanjo (labadii madaxweyne ee hore) oo ay kulmayaan bisha May. Adduunyo baalaley, bishii May Marxuum Cigaal ayaa allaystay. Innaa lilaahi wa innaa ilayhii raajicuun.

Nin la odhan jiray Cigaal Cali oo fardo badan ku dhaqan jiray Sanaag, ayaa saddex nin fardo weydiisteen. Labo ayuu fardo siiyey, kii saddexaadna waxa u ballanqaaday inuu gu’ga siin doono. Ninkii oo ballanqaadkii ku soo socdaalay oo dhexda soo socda ayaa loo sheegay geeridii Cigaal Cali. Deeto Gabay ayuu tiriyey.

Geerida Cigaal Cali dishay

Ee calaf sugaysaay ba’

Anna caadlihii aan filanayey

Iyo codsashadaydiiyeey ba’

Cigaal Cali innankiisii ayaa gabaygii maqlay, kadib ninkii ayuu u yeedhay oo laba faras siiyey.  Somaliland cidina uma yeedhin, ictiraafna ma siinin.

Waxse la yidhi doqoni saafin carro loogu riday sad bursiinyo ma mooddo. Laba mashruuc oo waxweyn ka beddeli lahaa xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland geeridii Cigaal ka dib oo hadda laga joogo 12 sanno waxa kun dhiiran waayey dawladihii ka dambeeyey, labadaas mashruuc waxay kala ahaayeen; heshiishkii Sheekh Camuudi ee Dedekadda Berbera iyo Marine Cable tellefoonka ah oo ay keentay Itoobiya oo ay lahayd shirkad Maraykan ihi oo iyadu maalgelinta lahayd, dawladaha Somaliland iyo Itoobiya-na ay la lahaanayeen.  Muddo dheer ayaan dheesha iyo garoonka siyaasadda Geeska Afrika aan ku keli ahayn dhinaca Soomaalida. Hadda waxa soo kordhay Dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay oo Itoobiya ictiraafsan tahay oo ciidamadeedu joogaan oo waxay doontaba ay ka dhamaysan karayso. Dhinaca Itoobiya waa madax cusub. Diblomaasi aannu hore isku naqaanay ayaan la sheekaystay, waxa uu ii sheegay in dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay meeshii timid oo xitaa Somaliland ay ictiraafsan tahay, wadahadalna la gashay. Maxaa ku u baxay!!!

 

 

 

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland