Puntland oo Shaaciyey inay Al-Shabaab u soo qaxayso Buuralayda Golis iyo Qorshaha uga yaalla

0

Garoowe-(Berberanews)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sheegay in Malleeshiyada Al-shabaab ay billowday inay u soo guurto Puntland, tan iyo intii cadaadisyada Millateri la saaray, kuwaasoo ka dhashay dagaalka ay kula jiraan dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo AMISOM oo Ciidammada Soomaaliya gacan siiya, kuwaasoo deegaanno badan ka qabsaday Al-Shabaab.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalkan ka sheegay xaflad waxbarasho oo uu kaga qaybgalay magaalada Garoowe oo 1,000 km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, isla markaana ah xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in Argagixisada Al-Shabaab ay Saldhigyo ka sameysanayso Buuraleyda Golis si ay ugu fududaato inay uga sii gudbaan Gacanka Cadan oo ay ka dagaallamaan Koox Argagixiso ah oo ka tirsan Shabakadda argagixisada ee Al-Qaacida oo ay Al-Shabaab bilawgii sannadkan ku biirtay.

“Natiijadii ka dhalatay cadaadiska Millateri ee la saaray Al-shabaab waxay noqotay inay u soo guuraan Buuraleyda Golis.” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Waxaanu sheegay in Puntland ay ka hortagayso khatar kasta oo argagaxisada kasoo waajahda. Inkastoo aanay Al-shabaab ka hadal arrintan, haddana waxa hore Puntland ugu sugnaa koox uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ku dhawaaqday dhawaan inay ku biirtay Al-shabaab oo iyaduna hore ula midowday Al-Qaacida.

Sidoo kale, Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in tallaabada ay Al-shabaab ugu soo guurayso Puntland ay kusoo beegmayso iyadoo Puntland ay doonayso inay sameysato Dastuur rasmi ah, si ay ugu suurogasho inay dowladda ula guurto xilliga dowladda joogtada ah la sameeyo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ku qarinayaan deegaannadooda kooxo kale oo ay xidhiidh leeyiin, balse iyaga ay ka go’an tahay inay ka hortagaan kooxahaas.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.