Puntland oo shuruudo adag hordhigtay ka qaybgalka shirka doorashada

0

Muqdisho-(Berberanews)-Garowe ayaa shuruudo ku xidhay ka qeybgalka shirka doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay jiraan qoddobo muhiim u ah hiregelinta doorashada, waxaana ay intaa raaciyeen in laga mamaarmaan ay tahay in la sameyo qoddobadaas, si loo hirgeliyo heshiiska doorashada.

Qoraalkan oo lagu daabacay bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu soo saaro wareegto xadideysa awoodaha fullinta ee madaxweynaha iyo tan sharci dejinta, meeshana laga saaraa dhamaan go’aamadii la saxeexay wixii ka dambeeyay sideedii February, xilligaas oo ay ku ekeyd muddo xileedka afarta sano ah ee madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kale oo uu maamulka madaxweyne Deni sheegay in xilka laga qaado taliyeyaasha ciidamada booliska, milateriga iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka, sidoo kalena la magacaabo saraakiil cusub, wadatashina laga yeesho magacaabiddooda, maadaama sida ay sheegeen ay ku lug lahaayeen falkii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishan.

Puntland waxaa kale oo ay sheegtay in la dhiso guddi xaqiiq raadin ah oo baadhitaan ku sameeya wixii ka dhacday magaalada Muqdisho 19-kii bishan Febraayo.

Beesha caalamka ayay sheegeen inay muhiim tahay inay qaadato door damaanad qaad ah, si loo hubiyo fullinta qoddobadii lagu heshiiyay.

Dhinacyada kale ee siyaasadda iyo ururada bulshada ayay Puntland shegtay in laga qeybgeliyo shirarka doorashada looga arrinsanayo, shirarkaas oo ay aqbaleen inay ka dhacaan magaalada Muqdisho balse waxay shuruud uga dhigeen in lagu qabto “goob ammaan ah” oo ay sheegeen in amnigeeda ay sugaan ciidamo lagu wada kalsoonaan karo.