Qaadhaan-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland oo wefti korneer u soo diray Hargeysa iyo nuxurka kulan dhexmaray Madaxweyne Silaanyo

0

Somaliland-06-My-2012-(Berberanews)- Safiir-ku-xigeenka safaaradda Maraykanka Arrimaha Somalia iyo Somaliland ee Magaalada Nairobi Mr. Douglas Meurs, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Hargeysa, kaasoo ujeedada safarkiisa lagu sheegay qiimaynta diyaargaroga doorashooyinka deegaanka Somaliland.

Mr. Douglas oo wakiil ka ah Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Somaliland  waxa socdaalkiisa ku weheliyay lix xubnood oo kale, kuwaasoo kulan kula yeeshay Madaxtooyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo; Madaxweynaha Somaliland. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan.

 “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arriamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.

Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.

 Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.

Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan.”

Berberanews.com