Qabashada Tigreega: Suurtagalnimada Qorshe ka dhan ah Somaliland

0

Qabsashada gobolka Tigreega hadii ay suurto gasho ma laga yaabaa inay Somalia iyo Ethiopia ay qorsheeyaan Hawl gal Milatry oo ka dhan ah Somaliland.

Wali waxa Socda dagaalka dawlada federaalka Ethiopia ay kula jirto maamulka TPLF ee ka taliya gobolka Tigreega.

Dagaalkaasi oo ay ugu yeedheen Abiya Ahmed Ali iyo Xulafadiisu, ka hor taga, burburinta midnimada itoobiya.

Inkastoo ay adag tahay in dagaalkaasi uu si fudud ku soo dhamaado,hadana waxa muuqata in ciidamada Tigreega laga awood badan yahay, xaaladu ay marayso in Caasimadadii Maqale ka baxdo gacanta maamulka Tigreega.

Si kastaba ha ahaatee hadii ay suurto gasho TPLF laga adkaado maxaa xigi doona.

Raysal wasaaraha Abiya Ahmed Ali wuxuu aad u daneeyaa, midnimada Somalia,waana nin aad uga soo horjeeda Somaliland madax banaanideeda.

Mudadii uu xukumayey itoobiya wuxuu khatar badan galiyey siyaasada Somaliland ilaa heer uu gaadhay inuu ka soo dajiyo Somaliland Madaxwayne Farmaajo.

Hadaba mar kale hadii Somalia Madaxwayne loogu doorto Farmaajo oo u muuqda inuu si fudud u suurto galin karo danaha itoobiya iyo Abiya Ahmed Ali oo ay ugu mudan tahay sidii ciidamada itoobiya ee badu ay u heli lahaayeen, marin biyood ay saldhig ka dhigtaan.

Arintaasi oo sida la sheegayo ay ka soo dhex gashay xaalada ka socota gobolka Tigreegu, balse qorshahaasi la isla meel dhigay mar horeba.

Ogolaanshaha Farmaajo ku ogolaaday aritnaasi ayaa la sheegayaa inay tahay in itoobiya awood military kaga caawiso qabsashada Somaliland.

Xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya ayaa la dareensan yahay inuu dhinaca Abiya Ahmed uu hoos uga dhacay, iyadoo ay sabab u tahay laba qodob.

1. Ka dib markii madaxwayne Muuse Biixi laba jeer ka diiday Abiya inuu hargeisa yimaado isagoo uu weheliyo Farmaajo

2. Xidhiidhka Somaliland la samaysay dalwda Masar oo Abiya aad uga cadhooday, isla masar ay u aragto itoobiya cadawgeeda koowaad.

Masar ayaa ah dawlad ka awood badan itoobiya dhaqaale ahaan iyo Ciidan ahaaba.

G.Maydhax