Qaramadda Midoobay Oo Ka Haddashay  Weeraraddii Ka Dhacay Muqdisho Iyo Nairobi

0

Hargeysa (Berbera news)   War-murtiyeed kasoo baxay golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu canbaareeyay weerarro kala duwan oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ,kuwaasi ooo ay ku naf-waayeen dad u badnaa shacab sida lagu sheegay warka.

 

“Xubnaha golaha amniga waxey si adag u canbaraynayaan weerarradaas argagaxiso “ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay magaalada New York ,iyadoo dadka lagu dilay qaraxyadaas uu ku jiro xoghayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan.

 

“Arimaha dhacay dib uma dhigi doonto taageeradii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo helo xasilooni iyo dib u heshiisiin horey u wadi karta dalka,“ ayaa lagu xusay war-saxaafadeedkan  oo dhinacyo badan ka hadlayay.

 

Warbixinta ayaa lagu soo hadal-qaaday laba xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa kuwaasoo badhtimihii bishii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu qaarijiyay magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale, golaha ammaanka ayaa canbaareeyay Qarax ay ku dhinteen laba ruux ayna ku dhawacmeen 27-ruux oo kale  oo u  badnaa caruur, kana dhacay magaalada Nairobi, waxaana lagu tilmaamay falalkaas in ay yihiin kuwa wax u dhimaya amniga gobolka.

“Qalbigayga waxa uu la jiraa qoysaska geesiyaasha ah e laga dhintay, dowladdayda waxa ay siin doonto taageero kasta oo ay u baahan yihiin, waana canbaareynayaa laamaha amniga ee arintan ku shaqada leh,“ ayuu yidhi Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay qaraxyada gil-gilay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

 

 

Ugu danbayntii mas’uuliyadda weeraradaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada AMISOM ee ka howl-galaya Soomaaliya ,isla markaana ay ku jiraan kuwa socda dowladda Kenya oo dhibane u noqotay weerarro argagaxiso.

 

images

 

Berbera news/Hargeysa.